Mid Ka Mid Ah Wargeysyada Sweden Ugu Caansan Oo Dawladooda Ugu Baaqay Inay Aqoonsato Somaliland

0
553

wargeysHargeysa(Geeska)-Wargeyska caanka ah ee lagu magacaabo Svenska Dagbladet(SVD), oo ka mid ah saddexda wargeys ee ugu caansan wadanka Sweden ayaa ugu baaqay dawladda Sweden inay aqoonsato qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, haddii ay aqoonsatay maamulka Falastiin.

Wargeyska ayaa toddobaadkan wuxuu qaybtiisa tifaftirka, ku soo qaatay qormo uu kaga hadlay qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland oo ciwaankeedu ahaa ”Somaliland aqoonsada.” Qormadan tifaftirka oo uu qoray Per Gudmondsson, wuxuu xisbiga cusub ee qabtay talada Sweden ugu baaqayaa in aqoonsiga Falastiin ay ka mudnayd aqoonsiga Somaliland oo uu sheegay inay buuxisay shuruudihii looga baahnaa. Shuruudaha uu wargeysku xusay waxa ka mid ah inaanu maamulka Falastiin dalkiisa wada xukumin balse ay Somaliland dalkeeda wada xukunto oo uu maamulkeedu wada gaadhay. Qormadaas oo ku qornayd luuqadda swedesh-ka oo uu Geeska Afrika u soo turjumay Jamaal Halkaraan oo ah aqoonyahan reer Somaliland ah oo dalkaas degen, ayaa waxa ay u dhignayd sidan “In Falastiin la ictiraafaa waa arrin lagu dagdagey, sabobtoo ah Falastiin ma buuxineyso shuruudaha asaasiga ah ee Dawlad madaxbanaan waayo wadankooda oo dhami gacanta uguma jiro.

Xaaladuna maah mid kasii raynaysa, Kooxda Hamas ayaa hogaanka u haysa Gaza waliba waxey la leeyihiin wada shaqeyn dhow xukuumada Falastiin. Hadaba in la ictiraafaa waxey ka dhigantahey in ay Sweden jabisey ama ku xadgudubtey wadajirka hanaanka EU-da. Way adagtahey in laga dhex arko guuleyste markuu barlamanka sare ee Sweden Raysalwasaraha cusubi ka akhriyey haykalka iyo hanaanka hogaanka xukuumadiisa ee uu waliba ku dhawaaqey inuu ictiraafayo Falastiin, waxan u aragnaa wax aan loo bahneyn.

Haddii ay Xukuumadan wadaaga ahi rabto iney jabiso jidka EU-da ee ah  dhiiri galinta dimuqradiyada iyo nabada ee wadamada muslimka ah waxaa jirta dawlad istaahisha in la ictiraafo. Somaliland waa maamul gooniya laga soo bilaabo 1991 markii Somalia burburtey. Wadanka intiisa kale waxaa  baabiiyey dagaal soceeye, xukun qabiil iyo xagjirka, lakiin Somaliland waxaa ka jirta nabada, xasilooni iyo horumar muddo dhowr iyo labaatan sano ah. Waxaa si fiican uga  qabsoomey 4 doorasho oo dimuquraadiya. Arrintaa waxaa lagu saleyn karaa taariikh soo jireena, Somaliland waxey aheyd maxmiyadii Ingiriska, laakiin qaybta kale wadanka waa Somaliya waxaa gumeysan jirrey Talyaaniga.

Xaqiiqdu waxa weeyi in ay Somaliland heshey jidkii dimuqradiyada oo waafaqsan habdhaqanka qabiilada iyo diinta islamka. Waa arrin ku dayasho mudan oo ay ku faa´iidi lahaayeen wadamada soo koraya (Dunida 3aad) haddii ay yeelaan sidaas oo kale. Somaliland wax aqoonsiya kama haysato caalamka, EU waxey leeyihiin waa in Midowga Afrika ay qaadaan talaabada kowaad, laakiin Midowga Afrika, waxaa ku badan kalidii taliyayaasha ka gabanaya dimuqradiyada.  Sweden waa iney Somaliland aqoonsataa, shuruudna looga dhigaa  in Somaliland ay balan qaado in hanaanka wanaagsan ee horumarku halkaa kasii soconayo oo aanu dib u dhac ku imaneyn dalka.”