Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda sare ee distooriga ah ayaa maanta bilaabaysa dhagaysiga dalabkii uu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay ee ahaa inay fasiraad ka bixiso midka sharci ah ee lagu dhaqamayo muddo kordhintii guurtida iyo heshiiskii ay xisbiyadu wada galeen.
Maxkamadda ayaa maanta dhagaysanaysa doodda saddexda xisbi qaran, halka ay beri khamiistana dhagaysan doonto doodda golaha guurtida, iyadoo la filayo inay Sabtidana soo saarto go’aan kama dambays ah oo xal u noqda khilaafka siyaasiga ah ee wadanka ka taagan.