Maxkamadda Sare Oo Aqbashay Soo Jeedintii Madaxweynaha Iyo Jawaabta Xisbiga Waddani Ka Bixiyay Go’aanka

0
549

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda distooriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa aqbashay soo jeedintii madaxweyne Siilaanyo ee ahayd inay maxkamadda sare dib u eegis ku samayso qaraarkii ay 2015 isku raacisay in labada doorasho mar la wada qabto.

1

Guddoomiyaha maxkamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa shalay ku dhawaaqay inmaxkamadd dasare ee Somaliland markii ay aragtay codsigii madaxweyne Siilaanyo ee ahaa dib u eegista qaraarkii hore ee maxkamadda, ay aqbashay codsigaas dib u eegista islamarkaana ay go’aamisay in labada doorasho la kala qaado.

Maxkamadda sare waxay sheegtay in doorashadii madaxtooyadu qabsoomi doonto wakhtigii hore loogu tallo galay oo ah March 2017, iyadoo maxkamadda sare golaha guurtida u soo jeedisay inay waajibaadkooda distooriga ah ka gutaan ka gutaan dib u dhaca ku yimid doorashada oo ah inay muddo kordhin sameeyaan.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay inay ku qanceen go’aanka maxkamadda. Xoghayaha guud ee Waddani Maxamed Uurcade, ayaa warbaahinta u sheegay inay ku qanceen go’aanka maxkamadda sare.