Hargeysa(Geeska)-Agaasimihii hore ee wasaarada shaqada iyo arimaha bushada Maxamed Cilmi Aadan ( Ilkacase), ayaa ka hadlay ka qaybgalka uu ka qaybgalay caleemasaarka madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Madoobe. Agaasime Ilkacase ayaa sheegay inuu isaga oo shaqsi ah uu ka qaybgalay xisbiga uu ka midka yahay ee Kulmiyena aanu wax saamayn ah ku yeelanayn ka qaybgalka maamulka Somaliya ka dhisan, waxaanu sidan sheegay isaga oo u waramaaya tilifishanka Somali Cabale, waxaanu yidhi “ Anigu Maxamed Cilmi ayaan ahaa halkana hawl ayaan u joogay oo anigu shaqooyinkayga gaarka ah ayaan ka shaqaystaa dabadeedna xaflada ayaa laygu casuumay madaxweynaha dawlada Jubaland iyo kooxdiisu ay ugu casuumeen waan ka qaybgalay shaqsi ahaan cidna maan matalayn, waxaanan raba inaan halkan uga hanbaleeyo shacbiga Jubaland sida fiican ee ay xafladooda u qabsadeen iyo madaxweynaha ay doorteen Axmed Islaan.
Axmed Madoobe waa madaxweynayaasha ugu dhow dawlad gobaleedyada Somaliland ay saaxiibka yihiin, inagu Somaliland waxaan nahay dawlad gaar ah oo ka madaxbanaan Somaliya, in laysku khaldo maaha, siyaasadii cusbayd ee Somaliyana way is badashay markaas hadaanay Somaliland saaxiibo cusub ku yeelan waxa socda laftigeeda taasna dawlada Somaliland ayaan kula talinayaa, Farmaajo Somaliland cunaqabatayn ayuu saaray iyagana cunaqabtayn ayuu saaray ragaas isku qadiyad ayaanu nahay dawlada Kiiniya ayaana timi iyo masuuliyiin kale oo diblamaasiyiin ah, arintu caleemasaar way ka waynayd waxay ahayd dhoolatus siyaasadeed ee Somaliyada cusub ee danbe ee ay Somaliland wadahadli doonaan sansaankeedii ayaa socda, markaas Maxamed ayaan ahay cid isoo dirtay ma jirto aniga ayaa danahayga uga qaybgalay.”
Agaasime Ilkacase ayaa la waydiiyay in ay saamayn ku yeelan karo xisbiga uu ka tirsan yahay “ Dadku iyaga oo xisbigooda ku jira ayay Talyaaniga tagaan oo Faransiiska Tagaan oo Jabuuti Tagaan oo Ingiriiska tagaan markaas wax macno leh oo halkaas ku jira ma jiraan waana inaan saaxiibo xidhiidh diblamaasiyadeed iyo xodxodasho iyo arimo kaleba ay jiraan, Waxa kale oo madaxweyne ku xigeenka Jubaland sheegay in Faysal CalI Waraabe uu soo hadlay oo halkan ka hanbalyeeyay, waxaanay nagu hanbalyeeyeen sida fiican ee ay dadka Somaliland ugu muujiyeen caadifada dareenka dhibtii Farmaajo ku sameeyay, markaas wax dhib ku yeelan mayso xisbiga.”