– Geelu waa xayawaanka keliya ee afar lugood leh ah ee aan awoodin in uu dabbaasho ama biyaha in uu quuso iska ilaalin Karin.
– Hablaha qabiilka Ghoula ee dalka Itoobiya marka ay labisanayaan waxa ay koofiyad madaxa u asturta ka dhigtaan unug yar oo shinni ah.
– Sannad kasta dayaxu waxa uu dhulka ka durkaa qaddar dhan 2.5 Sentimitir.
– Yaxaaska noocyada ku nool Qaraadaha Ameerika iyo Afrika marka uu seexanayo waxa uu seexdaa isaga oo dul sabbanaya biyaha, weliba waxa uu jecel yahay in uu barkado dhabarka saaxiibkiisa kale.
– Tirada timaha ku yaalla madaxa caafimaad qaba ee qofka waxaa lagu qiyaasaa 120 kun oo xabbo, laakiin haddii timuhu yihiin kuwo aad u balayaxsan ama kuwo midabkoodu cawlan yahay, waa ay ka tiro yar yihiin timaha madowga ama casaanka ah, waxaana lagu qiyaasaa illaa 90 kun o oxabo. Shantii sano hal mar ayaa ay timaha madaxu dib u cusboonaadaan, waayo maalin kasta waxaa madaxa ka go’a inta u dhaxaysa 50 illaa 60 xabbo oo timo ah, waxaana soo beddela kuwo cusub.
– Kaadida oo la ceshadaa waxa ay keentaa in jidhku uu sumoobo.
– Garaaca wadnuhu waxa uu ku xidhan yahay baaxadda iyo culayska noolaha, tusaale ahaan wadnaha qofka caadiga ahi waxa uu garaacaa 80 jeer daqiiqaddii, maroodigana waa 25 jeer daqiiqaddii, halka uu jiirku ka yahay 7 boqol oo jeer daqiiqadda, shimbirtuna ay ka tahay kun jeer daqiiqad kasta.
– Ilmaha dhowaan dhaladka ahi waxa uu qiyaas ahaan ooyoaa 113 jeer maalin kasta, ilmada ka imanaysaana waxa ay u fiican tahay caafimaadkiisa guud. Dhanka kalana ilmada sideedaba waxaa ku jira maaddooyin kiimikaad oo kaar jebin ama xanuun yarayn ah, maaddooyinkaas oo ay maskaxda qofku soo deysaa waxa ay keenayaan in qofku marka uu ooyo uu xanuunka iyo dhibta ama balada uu tirsanayey ka yaraadaan.
– Geed cadayga waxaa ku jira maaddooyin adkeeya awood bandanna siiya cirridka, waxaa sidoo kale ku jira maaddooyin kuwa wax nadiifiya ah oo dabiiciya, maaddooyinkaas oo ka hortagaya in ay nabarro ku samaysmaan cirridka iyo dahaadhka hoose afka. Sidoo kale waxa ay culimadu ku talinayaan in xilliga soonka uu qofku isticmaalo cadayga oo cilmi ahaan la ogaaday in uu si weyn wax uga taro urta karaahiyada leh ee afka dadka qaar ama xataa dadka badankoodu ay afkooda ka dareemaan xilliga soonka.
– Fuulka oo la cunaa waxa ay ka hortagtaa wadne xanuunka. Waxa uu jidhka ka saaraa xaddiga duxda Kalastaroolka ee dheeraadka ku ah dhiigga, waxaanu la dagaalamaa qaar ka mid ah sababaha keenaya in halbawlayaasha dhiigga qaadaa ay qallafaan, taas oo haddii ay dhacdo faalig iyo dhiig furan maskaxda ah horseedaya.
– Dhegta bidix maqalkeedu waa uu ka awood badan yahay maqalka ta midig.
– Sharaabka laga miiro khudradaha kala duwan, sida liinta iyo daba casuhu waxa ay ku caafimaad badan yihiin in isla marka la miiro la cabbo, haddii kale hawada ku dhacaysa ayaa ka qaadda in badan oo ka mid ah Faytamiinnada ku jira ee faa’idada badan.