Maxaa Madaxweynaha Iiran Ka Qabsaday Safarkiisa Yurub?

0
561

Madaxweynaha IRAN, Xassan Roxaani oo todobaadkan booqasho ku maraya dalalka Italy iyo France ayaa amaro uu dul dhigay dowladahaasi ku khasbay inay wax ka bedalaan goobaha uu booqanayo iyo waliba kulamada uu ka qeyb galayo.

1111111111111

Booqashadii Madaxweynaha IRAN ayaa ah safarkii ugu horeeyey oo uu ku yimaado dalalka Midowga Yurub intii cunaqabateynta laga qaaday dalkaasi IRAN, wuxuuna Xassan Roxani booqday intuu ku sugnaa magaalada Roma Madxafka weyn ee magaalada Roma. Balse waxaa dood ka dhalatay Asnaabta badan ee yaal Madxafka Taariikhiga ah ee Roma.

Xassan Roxaani ayaa sheegay inaanu dooneyn intuu booqanayo goobtaasi inuu arko Wax asnaab Qaawan ah, taasi oo keentay in maamulka Madxafka uu Sanaadiikh waaweyn ku qariyo Asnaabta Qadiimka ah oo ay ka muuqdaan Haween Qaawan, wuxuu sidoo kale hogaamiyaha IRAN diiday in lagu sawiro Sanabyada kale ee hogaamiyayaashii hore ee Yurub ee goobtaasi yaal.

Arrintan ayey dad badan oo u dhashay dalka Talyaaniga ka cadhoodeen iyagoo sheegay in Hogaamiyaha IRAN uu doonayo inuu ku khasbo dalkooda fikirkiisa Islaamiga ah, waxayna ku dhaliileen maamulka Madxafka iyo dowlada Talyaaniga inay isu duleysay hogaamiyaha dowlada Islaamiga ah ee IRAN.

Xassan Roxani ayaa intuu ku sugnaa Roma sidoo kale booqday xarunta Vatican halkaasi oo uu kula kulmay Baadariga Kirishtaanka Katooliga Pope Francis. Wafdiga IRAN ayaa kadib u gudbay dalka France.

Booqashadii Paris
Roxaani ayaa Khamiistii lagu waday inuu kulan qado ah la yeesho Madaxweynaha France Mr.Francois Hollande, balse Qadadaasi ayaa la baajiyey kadib markii uu muran ka dhashay Liiska cuntada iyo cabitaanka goobta qadada la keenayey.

Wafdiga IRAN ayaa sheegay in Cuntada iyo Cabitaanka laga dhigo mid Xalaal ah, isla markaana goobta laga qaado wax walba oo uu Khamri ku jiro. Arrintan ayuu diiday Madaxweynaha France Francois Hollande oo sheegay in Khamriga ku jiray Liiska Cabitaanka aan laga saari kari maadaama ay tahay dhaqankooda, isla markaana khamrigaasi oo uu Faransiiska caan ku yahay la saaro munaasabadaha ka dhaca xarunta Madaxtooyada Paris.

Francois Hollande, Madaxweynaha France ayaa usoo jeediyey Madaxweynaha IRAN iyo wafdigiisa in Qadada loo bedalo Quraac, balse wafdiga IRAN ayaa sheegay in Quraacda ay tahay Raqiis, waa sida ay baahiyeen saxaafada France.

Marka laga yimaado dhaqanka isdiidan ee IRAN iyo reer Yurub, hadana booqashada hogaamiyaha IRAN ayaa ah mid salka ku heysa Ganacsi, dowlada IRAN oo laga qaaday cunaqabateynta caalamiga ah ayaa dooneysa heshiisyo waaweyn oo ganacsi la gasho dalalka Yurub, sidoo kale dowladaha Yurub ayaa iyagu xiiso u qaba dalka IRAN oo ay doonayaan shirkadahooda inay maalgashadaan.