Washington (Geeska)- Wargeyska caanka ah ee New York Timse oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa boggeeda tifaftirka ku qortay baaq ay dunida ugu soo jeedinayso in xilka xoghaya guud ee Qaramada Midoobey sannadkan loo doorto gabadh, waxa aanay sheegtay in la gaadhay xilligii xilkaas haweenka lagu eegi lahaa kadib Siddeed xoghaye oo dhammaantood rag ahaa oo soo maray.
Arrinta kale ee uu wargeysku fashiliyey ayaa ah in doorashada xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ay ku timaaddo kulammo qarsoodi ah oo dhex mara Shanta dawladood ee dunida ugu awoodda badan, golaha ammaanka Qaramda Midoobeyna ku leh codka ay ku hor-istaagi karaan wax kasta oo ay doonaan ee loo yaqaanno ‘Diidmada Qayaxan’
Shantaas dal oo ah Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha ayaa kulamo u gaar ah iskula meel dhiga cidda ay doorkan ku heshiin karaan ee danahooda ay ka wada dhex arki karaan kadibna cidda ay isla ogolaadaan ayaa dunida loogu muujiyaa murashaxa oo xilkan u tartanta kuna guulaysata.
Tifaftirka New York Times waxa uu soo jeediyey in hannaanka doorashada soo socota ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobey laga dhigo mid daahfuran oo caddaaladda uga dhow kuwii ka horreeyey. Waxa kale oo uu Wargeysku ku dooday in gabadh xilkan loo doortaa ay xoojin doonto kaalinta ay dunida ku leedahay haayaddan oo Toddobaatan sano ka hor loo aas-aasay in ay daweyso dhibaatooyinka iyo masiibooyinka dunida ka dhaca iyada oo u maraysa hab diblumaasiyadeed iyo xal caalami ah.
Dalalka Ukraine iyo Namibia ayaa horkacaya dadaal la doonayo in doorashada kalkan ee xoghaya guud ee Qaramada Midoobey oo dhacaysa bisha soo socota ee Oktoobar ay noqoto mid dhammaan xubnaha Qaramada Midoobey oo 193 dal ah la siiyo cod awood leh oo ay si siman ugu dooran karaan qofka ay doonaan.
Wargeysku waxa uu tifaftirkiisan ku sheegay in Toddobaatankii sano ee ay Qaramada Midoobey jirtayba ay dimuqraaddiyaddu ka maqnayd hannaanka doorashada Xoghayaha Guud. Waxa aanay ku talisay in doorkan loo soo noqdo dimuqraadiyadda oo Xoghayaha Guud lagu doorto codayn toos ah, lagana daayo habka imika uu ku yimaaddo oo ah wada xajood sir ah oo albaabo xidhan gudahooda ay isugu yimaaddaan dawladaha waaweyni.
Wargeyska The New York Times waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in doorasho dimuqraaddi ah oo uu xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ku yimaaddaan ay Golaha ammaanka u suurtogelin dooonto in si ka awood badan sida hadda uu ula socdo ulana macaamilo dhibaatooyinka dunida ka jira, isaga oo dhinaca kalana hoosta ka xariiqay in tobannaan dal oo Qaramada Midoobey xubno ka ahi ay doonayaan in doorkan kursiga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey lagu fadhiisiyo gabadh. Waxa aanu Wargeysku xoghayaha guud ee imika Ban Ki Moon oo laba xilli kursigan ku fadhiyey ku duray in dhaq-dhaqaaqiisu uu ahaa mid aad u yar oo aan waxtar badan lahayn.
Arrinta aadka u xiisaha badan ee uu wargeyska The New York Times ku sheegay qormadiisan tifaftirka ah ayaa ahayd in Xeerka guud ee Qaramada Midoobey ku dhisantahay oo la curiyey sannadkii 1946kii uu si cad u dhigayo, in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey qofka loo dooranayaa uu nin noqdo, “Waa in uu noqdaa nin heerkiisu sarreeyo oo guulo badan” ayaa uu odhanayaa qodobkan oo la aaminsan yahay in uu kursiga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u xidhayo ragga oo keliya, una diidayo dumark.
Wargeyska oo arrintan ka hadlaya ayaa isagu si kale u eegay macnaha qodobkan waxa aanu qoraalkiisan ku sheegay in sidaas oo keliya aan loo macnayn karayn, balse uu ku baaqayo in qodobkaas xeerka ku jira aan si erey erey ah uun loo macnaysan, maadaama oo la ogyahay in ereyga Nin “Man” marka afka Ingiriisiga la’ eego sidoo kale lagu macnayn karo Qof, ama bani’aadam lab iyo dhedig midka uu doono ha ahaado ee.