Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Lascanod ee xarunta gobalka Sool ku geeriyooday Marxuum Siciid Cali Giir oo ahaa shakhsi caan ka ah Somaliland.
Marxuumka oo muddooyinkan dambe u jiifay xanuun haleelay, waxa uu ka mid ahaa saraakiishii milatari ee u horeeyay ee Somaliland wakhtigii ay xorriyadada ka qaadagay Ingiriiska, sidoo kalena wuxuu ka mid ahaa saraakiil reer Somaliland ah oo fulisay inqilaab aan guulaysan oo ay ku soo celinayeen qaranimada Somaliland sannadkii 1961. Alle haw naxariiste marxuumka oo shalay lagu aasay magaalada Lascanod, waxa uu in badan ka soo qayb qaatay nabadayntii Somaliland, waxaanu ahaa taariikhyahan wax badan ka ogaa marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa shacabka Somaliland ka tacsiyeeyay geeriday marxuum Siciid Cali Giir.