Marxuum Cabdi Aw Daahir Oo Maanta Burco Lagu Aasayo

0
561

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa maanta lagu aasayaa magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali, oo shalay si kedis ah ugu geeriyooday magaaladaas.

1

Marxuum Cabdi Aw Daahir, waxa aaskiisa ka qayb galaya bulsho tiro badan oo qaar badan oo ka mid ahi ay ka tageen magaalada Hargeysa.

Warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada, ayaa wuxuu Madaxweyne Silaanyo kaga hadlay shakhsiyadii marxuumka iyo kaalintii uu qaranka kaga jiray. Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii,  golayaasha Qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo (06/04/2016) ku geeriyooday magaalada Burco.

 Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi ruug caddaaya oo qaranka Somaliland kaga suntanaa baal dahab ah, kana soo qaybqaatay dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada noolaashaha beelaha Somaliland wada dega, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee dalka iyo axsaabta qaranka, kana mid ahaa dhakhatiirtii ugu horaysay ee aqoontooda dhakhtarnimo u hibeeyey, duurkana u galay sidii ay dadkooda ugu gurman lahaayeen, kana hawlgeleyey dawaynta mujaahidiintii horseeday xoraynta dalka.

 Marxuumku wuxu ka mid ahaa haldoorka dhakhatiirta dalka ee wakhtigooda iyo maskaxdooda u hibeeyey dawaynta iyo horumarinta caafimaadka shacbigooda.

 Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii,  golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, madax dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoon yahanka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Guddoomiyayaasha xisbiyada KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa iyaguna dhinacooda qoraalo ay soo saareen waxa ay shacabka iyo qoyska ka tacsiyadeeyeen geerida Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali.

Warka uu soo saaray guddoomiyaha KULMIYE ayaa u dhignaa sidan “Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marxuum Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ku geeriyooday magaalada Burco 06/04/2016).

Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdi Aw Daahir Cali inuu ahaa aqoonyahan wayn oo ku takhasusay cilmiga caafimaadka dadka oo uu wax badan ku soo taray bulshada reer Somaliland, isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiinta mufakirka ah ee dalkeennu lahaa.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan innaga siiyo.”

Qoraalka Cabdiraxmaan-Cirro ayaa isna lagu yidhi sidan “Guddoomiyaha aqalka Golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ku hadlaaya magaciisa, kan Hoggaanka, guddiga fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, iyo weliba sida oo kale taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibadba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo maanta ku geeriyooday magaalada Burco.

Md. Cabdiraxmaan M. Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale tacsi taas la mid ah u dirayaa qoysaskii, caruurtii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, waxaana si gaar ah loogu xasuusan doonaa in uu si weyn uga soo qeyb-qaatay Halgankii dib-u-xoreynta qaran iyo horumarka marxaladahii kala duwanaa ee uu soo maray qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo, sida oo kalena uu ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Somaliland  samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin Amiin.”