Mareeg Cusub Oo Midaysay Wararka Website-yada Soomaalida Oo Hargeysa Laga Hirgaliyey

0
882

Iyadoo maalinba maalinta ka dambaysa uu sii kordhayo isticmaalka Internetku guud ahaan wadanka Somaliland gaar ahaana Caasimada JSL Ee Hargeysa, sidoo kalena ay garab socoto korodhka tirada Website-yada wararku, ayaa dhawaan waxaa magaalada Hargeysa laga hirgaliyey Website Noociisa aan hore looga hirgalin. Websitekan ayaa koobsanaya xogaha iyo wararka dhamaan Websiteyada Wararka, Ciyaaraha iyo Arimaha Bulshada ee Af Soomaaliga lagu daabaco, kaasoo hal meel iskugu keenay dhamaan wararka kala duwan ee Ku Jira dhamaan Websityada Wararka Soomaalida. Cabdiqaadir Faarax Muxumed oo ah Mulkiilaha Websiteka Wartibaax.com isla markaana ah shakhsiga sameeyey Nidaamkan Cusub ee uu ku shaqaynayo Website-ku ayaa Wargeyska Geeska Afrika Uga waramay Sababta iyo qaabka uu hindisay Mareegtan. Saxafi Cabdiqaadir ayaa tilmaamay inuu arkay baahi adag oo bulshada Afsoomaaliga ku hadashaa u qabto inay hesho mareeg ay ka helaan dhamaan wararka Website-yada wararka, maadaama oo ay isku bateen Website-yada dalka gudihiisa iyo dibadiisa laga leeyahay. Isagoo ka waramaya sida ay ku dhalatay fikradani, ayaa waxa uu yidhi C/qaadir: “Website-yadii wararku waa ay isku bateen, bulshaduna waxay u baahantahay inaanay wakhti badan iskaga lumin ama ku jah-wareerin, sidaas darteed anigoo kaashanaya aqoonta IT-ga aan u leeyahay waxaan ka fikiray in la helo hal goob oo laga helo dhamaan Wararka Website-yada dalka, sidaas ayey ku timid fikradani”. Dhanka kale Waxa uu tilmaamay inuu ku dhisay qaab ka duwan Website-yada kale, Systemkaas oo u saamaxaya in website kasta wararka ku jira laga dhex helayo Mareegtan, iyadoo aanu u baahnayn in la Joogteeyo qoraaladiisu, balse uu soo akhrisanayo waxkasta oo la galiyo websiteyada wararka Soomaalida.

“waxa uu kaga duwan yahay horta websiteyada kale, mareegtani waxay bulshadu ka helaysaa wararka kujira websiteyada kale, islamarka mid kamid ahina galiyo war cusub, waxaad ka dhex arkaysaa mareegta wartibaax, wax wakhti ahi kaagama lumayaan inaad gasho kolba website si aad u hubiso” ayuu hadalkiisa sii raacsaday C/qaadir oo sharaxayey arimaha uu kaga duwan yahay Website-kani kuwii hore.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee website-yada Soomaalida lagu soo kordhiyo website noociisa ah oo meel kaliya kusoo koobay wararka iyo dhacdooyinka kala duwan ee ku jira in kabadan 40-meeyo Website.