Madaxweynihii Hore Ee Puntland Mr. Faroole Oo La Filayo Inuu Yimaado Caasimadda Hargeysa

0
549

Picture9Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Puntland Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa la filayaa inuu safar ku yimaado magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay dad ku dhow dhow.

Si rasmi ah looma oga ujeedada socdaalkiisa , laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynihii hore ee Puntland la filayo inuu maanta soo gaadho magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Ilahani waxay intaas ku dareen in socdaalka Madaxweynihii hore ee Puntland uu yahay mid shakhsiyeed oo aan la xidhiidhin arrimo siyaasadeed. Wararku waxay sheegayaan in Mr. Faroole uu wakhti kooban ku sugnaan doono magaalada Hargeysa.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, ayaa waxa u dhaxday haweenay reer Somaliland ah Marxuumad Aamina Abiib oo Alle haw naxariiste sannadkii hore geeriyooday, waxaana la filayaa in arrimaha uu u socdaa ay la xidhiidhaan arrimo qoys. Dawladda Somnaliland ayaa la sheegay inay ka war hayso socdaalka shakhsiyeed ee uu Madaxweynihii hore ee Puntland ku imanayo Somaliland.