Madaxweyne: Yaanu Kula Cawlnaan Hab-Macaamilka Ay Dawladda Soomaaliya Soo Weerartay

25
3106

Geeska Afrika Staff Writter

Hargeysa (Geeska)- Bishan waxa ay dawladda Soomaaliya dalalka deeq bixiyayaasha ah u gudbisay qoraal ay ku wargelinayso inay joojiyaan hab macaamilka gaarka ah ee ay beesha caalamku Somaliland u qoondaysay in loo soo mariyo deeqaha oo loo yaqaan Somaliland special arrangement. Dalalka beesha caalamka ayaa u muuqda inaanay tixgelin siinin qoraalkaaas, oo uu qoray wasiirka qorshaynta Soomaaliya. Waxa aanay taas beddelkeeda qoraal u gudbiyeen raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Habkan gaarka ah ee ay dalalka deeq bixiyayaashu u dejiyeen Somaliland ayaa waxa uu hirgalay sannadkii 2013 markii uu dalka Belgiium ka qabsoomay shir loogu magac daray New Deal oo lacago loogu yaboohay guud ahaan Soomaalida, kaas oo aanay Somaliland ka qayb gelin.

Wargeyska Geeska Afrika 12 April ee sannadkan ayaa isagoo soo xiganaya ilo xogogaal ah, waxa uu baahiyay, warka sheegaya in dawladda Soomaaliye ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ay guclo iyo orod ugu jirto inay dalalka deeq bixiyayaasha ah ku qanciso inay joojiyaan hab macaamilka gaarka ah ee loo qoondeeyay in Somaliland si gaar ah loogu siiyo muwaacinooyinka, oo sida aynu sheegnay loo yaqaano Somaliland Special Arrangement (SSA). Warkaas ayaa laba bilood kaddib  markii uu wargeyska Geeska Afrika baahiyay, waxaa bannaanka u soo baxay xaqiiqadiisa, oo maraggeedu yahay dhukumantiyadii dhincayadu is weydaarsadeen oo la helay.

Haddaba in dawladda Soomaaliya ay joojiso caawimada ay beesha caalamku Somaliland u soo marinaysay nidaamka ‘SSA’, ayaa ay dad badani u fahmeen keliya dagaal dhinaca dhuuniga ah, laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay, in dawladda Soomaaliya ay fahansantahay faa’iidada uu habkani u leeyahay meeqaamka siyaasiga ah ee Somaliland. Waxa uu xor u siinayaa in mashaariicdeeda horumarineed oo aanay saxeex uga marti ahayn Soomaaliya, si toos ah ugu gudbiso deeqbixiyeyaasha, waxa aanu noqon karaa jid ay ku hesho galangal caalamiya iyo in ay si madaxbannaan ula xaasho beesha caalamka.

Hab macaamilkan gaarka ahi, wuxuu ka mid yahay guulaha ay Somaliland gaadhay sannadihii u dambeeyay, waxa uu Somaliland gaar uga saaraya dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waana dariiq, ka sokow mucaawinada, uu caalamku kula macaamilo Somaliland, sidaa awgeed waxa uu ku fadhiyaa qiime siyaasadeed oo miisaankiisa leh.

Sidaas daraadeed, waxaa Somaliland la gudboon in isha ay ku eegaysaa aanay noqon uun taas hunguriga la xidhiidha, balse ay dareento inta dawladda Muqdisho dareentay ee ah in habkani miisaan siyaasadeed iyo xidhiidho diblumaasiyadeed siinayo Somaliland, fagaareyaasha qaarna uu si caalamiya u simayo Hargeysa iyo Muqdisho, mar haddii iyaga oo siman ay arrintan kala macaamilaan beesha caaamka.

Xukuumadda Madaxweyne Biixi waxa looga fadhiyaa inay ka hawlgasho sidii ay dalalka deeq bixiyayaasha ugu qancin lahayd inaanay dheg u dhigin dhawaaqyada dawladda Soomaaliya, si taasi u hirgashana waxa looga baahanyahay siyaasad dibadeed oo furfuran.

Siyaasadda dibadda ee Somailand oo uu ciir-ciir badani ka muuqdo, una muuqata inaanay lahayn bisaylkii iyo awooddii ay ku rogrogi lahayd dabaylaha siyasaadeed ee gobalka, oo la dareemayo inay bilihii u dambeeyay ku socoto isbedel xawaare sare ku socda. Siyaasadda dibadda ee Somaliland waxay u baahantahay aragti hoggaamineed oo meel dheer wax ka halacsan karta.

Madaxweyne Biixi waxa waajib ku ah inuu ka taxadiro inuu si fudud u lumo xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka oo sannadihii u dambeeyay weyd ahaa, waana inuu madaxweynuhu maanka ku hayaa ahmiyada uu hab-macaamilkan gaarka ahi ugu fadhiyo Somaliland, culaysna saaro inaanu hoos u dhac ku iman.

Arrimahani waxay ku iman karaan wada tashi sal balaadhan iyo iyadoo talo-wadaaga oo laga qayb geliyo dadka khibrada iyo aqoonta u leh xidhiidhka caalamiga ah, lana socda isbedelada siyaasadeed ee gobalka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here