Madaxweyne-xigeenka Puntland Oo Ku Biiray Siyaasiyiin Somaliland Oo Xamar Ka Raadinaya Saami-qaybsigii Lixdankii

0
568

Muqdisho(Geeska)-Waxaa Magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ka qabsoomay kulan dhexmaray ergo kala duwan oo ku abtirsada Somaliland hase ahaatee dano kala duwan u jooga magaalada Muqdisho.

camey1-740x493-1

Masuuliyiintan ku kulantay Muqdisho ee ku abtirsada Somaliland ayaa kala ahayd Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xamar Maxamed Cumar Carte, Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilko Jiir, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa Wasiir Xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya, iyo xubno kale.

Masuuliyiintan ku kulmay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay isugu yimaadeen inay raadiyaan xaqqa Somaliland oo ay ku abtirsadaan ku leeyihiin golayaasha baarlamaanka, gaar ahaan aqalka sare ee Somaliya.

Arrinta xiisaha leh ayaa ahayd in madashii kulanka uu hadal dheer ka jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim  Camey, isaga oo sheegay inuu ka soo jeedho dhalasho ahaan Somaliland hase ahaatee uu xil u hayo maamul kale, wuxuuna ku dheeraaday in xilka uu ka hayo maamulka Puntland inaanay ka saarayn inuu raadiyo xaqa ka maqan Somaliland oo uu sheegay inuu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay xaqooda siiso Somaliland gaar ahaan aqalka sare.

Masuuliyiintan ayaa kulankoodaas ka dib waxay saxeexeen baaq ay u direen Madasha Wadatashiga taas oo ay kaga dalbanayeen in la kordhiyo saamiga gobollada woqooyi ay ku leeyihiin aqalka sare iyaga oo si wadajira u saxeexay qoraal loo diray madasha kaas oo nuxurkiisu ahaa.

Qoraalka waxaa si rasmi ah qalinka ugu duugay dhinacyadii kulanka joogay, waxaana hormuud u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdikariin Camey iyo Maxamed Cumar Carte Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.