Hargeysa (Geeska)-Jaamacada Beder oo ka mid ah Jaamacadaha dalka, ayaa Munaasibad qalan jabin ah u qabatay Arday ka qalan jabisay, waxaana Munaasibadaas oo ka dhacday Amasadoor Hotel ee Magaalada Hargeysa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiiro, Agaasimayaal, Maamulka, Madaxda, Macalimiinta iyo Ardayda Jaamacada Beder iyo Walidiintooda.
Ardayda ka qalan jabisay Jaamacada Beder oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu shahaadooyinka gudoonsiiyey ayaa waxa ay ahaayeen 30-arday, oo ka qalan jabiyey kuuliyada Islaamic Banking System (Dhaqaalaha Islaamka iyo Bandhigyada, waxa kale oo ay Ardaydani ka qalan jabiyeen Kuuliyada Maamulka iyo hogaaminta
Guddoomiyaha Jaamacada Beder Prof: Mubaarig Ibraahim Aar oo isagu ugu horeyn Munaasibadaas ka hadlay ayaa si xeel dheer uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee Jaamacada Beder soo martay, waxa uu sheegay in Jaamacado Caalamiya oo ku yaala Wadamada horumaray ay xidhiidh iskaashi ay leeyihiin, waxa kale oo uu tilmaamay in Kuuliyadaha ay dhigaan ay yihiin qaar tayo leh, oo mar walba ku dadaalan inay soo saaran Arday dhinaca walba ka dhisan, waxaanu uu hadalkiisi ku bilaabay “Ardayda Maanta (Shalay) qalinjabinaysa waxay ka qalin jabiyeen laba kuliyadood oo jaamacada Beder bixiso midi waa iIslaamik banking and finance (Nidaamka dhaqaale ee ku saleeysan Islaamka), midina waa management and leader ship (Maamulka iyo Hogaaminta) qodobka 14 aad ee Dastuurka Somaliland faqradiisa Saddexaad waxay tilmaamaysaa in Somaliland laga hirgalin karo nidaam dhaqaale oo ku salaysan islaam oo aan ku salesnayn ribo ardaydan qalin jabinaysaa waxay barteen dhaqaalaha islaamka iyo bangiyada islaamka iyo sida loo maamulo iyo waxa ay yihiin iyo waxay kaga duwanyihiin bangiyada kale ee ka jira caalamka . ardaydan waxay barteen sida wax loo maamulo iyo sida wax loo hogaamiyo oo Maanta su’aaalo badan ay dadku iska wadiiyaan waxaan qabaa waa laba kuliyadooo oo si aada loogu baahanyahay somaliland ”
Gudoomiyaha Boodhka Jaamacadda Beder Suldaan Maxamed Xasan oo isna Munaasibadaas qalan jabinta ka hadlay waxa uu bogaadiyay amaan balaadhana uu u soo jeediyey Ardaydii qalinjabisay isagoo kula dardaarmay in ay dadaalka halkaas ka sii wadaan, oo aanay is dhigin, waxaanu uu sidoo kale uu si qoto dheer uga warbixiyey heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay, waxaanu sheegay in dufcadani tahay dufacdii labaad ee ka qalan jabisa Jaamacada Beder.
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Somalialnd Sheekh Khaliil Axmed waxaanu bogaadiyay ardaydii qalinjabisay isagoo ku dheeraaday qiimaha ay leeyihiin bangiyada ku saleeysan Islaamku isagoo si qoto dheer uga waramay Ribada iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo isagoo ku tilmaamay in ay tahay dambi weyn oo ka mida dunuubta waaweyn, waxaanu yidhi “Jaamacada Beder runtii maaha Jaamacad macaash doon ah, ee waa Jaamacad doonaysa inay bulshadeeda dhinaca walba uga faa’iidayso, aad iyo aadna wey u qiimo badan tahay Shareecadeena Islaamka, waanad ogtihiin heerka uu siiyey ILLAAHAY SWT, in aqoonta Shareecada ee Islaamka in la baro dhalinyaradaas waan ku faraxsan ahay, Jaamacada Bederna ku gaashantay aqoonta Islaamic Banking, oo ka baxsan in lagu xoolaysto sifo xaaran ah, oo ka baxsan Islaanimada, aadna waan ugu mahadnaqaya Jaamacada Beder”.
Wasiirul Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Nuur Faahiye iyo Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Abiib Axmed Cali oo iyana Munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in jaamacada Beder iyo Wasaaraddu xidhiidh adag ay leeyihin iyaga oo tilmaamay in uu jiro komshan qiimeeya tayada jaamacadaha, jaamacadda beder-na ku tilmaamay jaamacad tayo leh oo bixinaysa waxbarasho iyo kulliyado tayo leh oo dalku baahi weyn u qabo.
Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Cabdiraxmaan Cismaan oo ku hadlayay afka Dahabshiil Bank iyo Maxamed Cabdi Axmed oo isna ku hadlayay afka Shirkadda Telesom waxaanay labadan masuul bogaadiyeen ardaydan qalin jabisay iyagoo ku dheeraaday qiimaha uu leeyahay nidaamka Islaam Bank waxaanay tilmaamay in nidaamkani uu noqday nidaam caalami ah oo ay ku badaabeed bangiyo badan oo dunida ka jiraa .
Madaxweyne Ku Xigeenka Somalialnd Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo ugu dambeyntii Munaasibadaas ka hadlay ayaa dardaraan, dhiirigelin iyo amaan u soo jeediyey ardayda qalin jabisay isagoo ka waramay qiimaha ay Tacliintu leedahay waxaanu kula dardarmay ardayda qalin jabisay in ay dalkooda iyo dadkooda ugu adeegan isla markaana ay cilmiga ay barteen dhadhansiiyaan bulshada si faa’idadiisu u badato, waxaanu sidoo kale uu ku dheeraday dhibaatada uu Tahriibku ku hayo Dhalinyarada reer Somaliland, waxaanu xusay in Tahriibku dhib mooye aanu dheef lahayn, oo loo baahan yahay in aad looga taxadiro.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici),ayaana ugu dambeeyntii Shahaadooyinkii qalan jabinta gudoonsiiyey Ardayda ka qalan jabisay Jaamacada Beder.