“Madaxweyne Waxa Kugu Xeeran Inaad Ogaato Weeye, Illaahay Masuuliyadiisa Kaga Baxsan Maysid Nin Hortaada Laabta Ka Garaacaya”

0
603

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, ayaa  isku shandhayntii u dambaysay ee uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa, ku tilmaamay mid aan loo baahnayn wakhtigan islamarkaana aanay ka muuqanin cadaalad buuxdaa.

1

Suldaan Aadan, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu ilaaliyo haybada qaranimada, isagoo hogo tusaaleeyay ilaa maalinta qiyaamaha.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika iyo Horn Cable TV, ayaa sidoo dhaliilay hadal uu sheegay inuu yidhi Wasiirkii hore ee maaliaydda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, isagoo Suldaanku ugu horayn ka hadlaya isku shaandhayntan u dambaysay ee Madaxweynaha wuxuu yidhi  “Ayaamahan Isku shandhayn iyo wax baa dhacaayey  oo la yidhi Madaxweynuhu dad badan buu xil ka qaadis ku sameeyey , go’aanka dalka Madaxweynaha ayaa leh cid kastaaba gacanta ha kula jirtee,  waxaad se mooda in wakhtiga aynu ku jirnaa uu yahay  wakhti diiq ah,oo abaaro iyo dhibaatooyinkiisa dalka wey ka jiraan,  oo waa wax adag oo hanti wixii aynu lahayn iyo dadkii labadaas ayeynu haysanay  intiiba khatar bay ku jiraan, malaa waxa wanaagsanayd in inta la iska daayo in hawlaha jooga lagu faafo, inta dhexdeeda wax ka sheekayn lahayd, ta kalena iyadoo go’aanku yahay go’aanka Madaxweynaha , haddana iyadoo wakhtigu wax yari ka hadhay sida loo sheegayo Doorashadii haddii ILLAAHAY raxmad ina siiyo in la iska daayo ayaa fiicnaan lahayd”

Suldaan Aadan Faarax Cumar mar uu ka hadlaayey sida uu u arko Isku shandhayntii Madaxweynaha iyo talo uu u diraayey Beesha uu Suldaanka u yahay  ayaa yidhi  “Dad badan  oo umadda ka mid ah ayaan iska dhex arag waxyaabahan soconaya, Haddii Xukuumadda Kulmiye ku ololaynayso isku shaandhayntan ay sameeysay imika,ninka aan iska dhex arag waxba uguma dhex jiraan ololaha,  Suldaan Somaliland ayaan ahay oo dadlkayga iyo dalkaygba waan u soo shaqeeyey, cadaalad darada ma yeelayo,dadka aan u ahay Suldaankana waxaan leeyahay ha tashadaan meel aan ku hayo ma jirto ee waxaan leeyahay halkaad  u aragtaan dantiina ayaan leeyahay gala haddii ay tahay Mucaaradka iyo haddii ay tahay Muxaafidkaba, dadka aan Suldaanka u ahay halkaad martaan ayaan idinla marayaa, waayo meel waliba waa Somaliland, meel la iskugu hanjabayo ma jirto, xor baad tihiin, waxaana dhab ah in Beesha aan ka soo jeedo ee Abokor Muuse in aanay ku jirin Isku Shandhayntan, markaas Dadkaygu waa u xor halkay ku biirayaan”.

Suldaan Aadan mar oo tixraacaya hadal uu Burco ka yidhi Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, wuxuu yidhi  “Cabdicasiis Samaloow goortan aad Siyaasiga noqotay ee aad miiska u garaacayso ku siyaasiya iyo ku kaleba maan garan, waxaan umadda reer Somaliland oo dhan u dirayaa inuu wanaag jiro, in midnimada aynu ku soo caano maalnay la wado, in nin kaligii ku haysan karaya iyo laba ku haysanaya dalka heshiis baanu galnay aanay jirin milyan baa u soo dhintay, ninkan ku hanjabaya marka uu ladnaado ee hantida qaranka marka loo dhiibo laandheeraha noqonaya ee wax sameeysanaya sidaas ILLAAHAY inaga yeeli maayo, Madaxweynaha waxaan leeyahay ILLAAHAY cimrigaaga ha raajiyo, Oday baad ahayd dalkan hore ugu soo shaqeeyey, laakiin waxa kugu xeeran inaad ogtahay weeye, ILLAAHAY masuuliyadiisa kaga baxsan maysid nin hortaada ka garaacaya laabta”.

Suldaan Aadan mar uu ka hadlaayey kulan uu la yeeshay Cabdicasiis Samaale markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda ayaa yidhi “Cabdicasiis Samaale markii uu ahaa Wasiirka, ayaa aniga iyo laba Suldaan oo kale, laba Suldaan waxaanu ku ahayn reer Hargeysa, Suldaanka kalena waxa uu ahaa Gobolada kale ee Somaliland ayaanu ugu tagnay maalin Xafiiskiisa, waxaana ugu tagnay in aanu soo weydiino waxa ka jira waxa lagu sheegi jiray, waxaanu weydiinay saddexdayadii Suldaanba “Maxa ka jira in reerkiinuun aad qorto Shaqada”, wuxuu noogu jawaabay “Waa run”, aad baanu ula yaabnay, waanu iskaga soo baxnay, haddii aanan ixtiraamayn Calanka hor yaala, iyo Xafiiska uu ku jiro Cabdicasiis Samaale hadal baan odhan lahaa, oo waan u jawaabi lahaa”.

Suldaan Aadan Faarax mar uu ka hadlaayey Hantida Qaranka ayaa yidhi “Waxaan been ahayn in hawshii Madax-dhaqameedka ay la wareegeen Wasiiradii,waxa dhab ah in marka ugu horeeysa ee la magacaabo Wasiir ama cid kale in markaba uu Guri bangalo ah jeexanayo, waxa haboonayd in lala xisaabtamo, oo la daba galo, oo la weydiinayo halka uu hantida ka keenay, waxaana leeyahay oo dhammaan Masuuliyiinta Qaranka leeyahay xilkiina daacad u ahaada, oo dadkiina daacad u ahaada, oo dalkiina daacad u ahaada, oo musus-maasuqa ka dheerada, ILLAAHAYNA ka baqa, oo ogaada in la dhimanayo, oo Xisaabi dambayso”.

Dhinaca kale Suldaan Aadan Faarax, ayaa Madaxweynaha ku amaanaya uguna mahadnaqay Safarkii uu ku tagay Gobolada Bari ee dalka, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu si fiican uga soo qayb qaatay gurmadka abaaraha