Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay galab soo gaadhay magaalada Burco ee gobalka Togdheer, ka dib markii uu ka soo noqday magaalada Lascanod ee gobalka Sool.
Madaxweyne Siilaanyo oo habeen hore u hoyday magaalada Lascanod, waxa ay reer Burco ku qaabileen soo dhawayn balaadhan, waxaanu Madaxweynuhu salaam ka qaatay ciidamada kala duwan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa si diiran u soo dhaweeyay bulshada gobalka Sool, waxaana weftigiisa ka mid ahaa wasiirka cusub ee daakhiliga oo ka soo jeeda gobalka Sool, waxaanu socdaalkiisu ku soo beegmay iyadoo ay wada hadalo u bilaabmeen Somaliland iyo kooxda Khaatumo.