Madaxweyne Siilaanyo Oo U Socdaalaya Imaaraadka Carabta

0
671

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu safar ugu baxo wadanka Imaaraadka Carabta.

Ma jiro war rasmi ah oo laga soo saaray safarka Madaxweyne Siilaanyo, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Madaxweynuhu maanta ama beri u baxayo  safar dhinaca Imaaraadka Carabta ah, waxaana safarka Madaxweynaha ka soo baxaya warar kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxweynuhu wadanka Imaaraadka Carabta u tagayo gunaanadka wada hadalo ay xubno wasiiro ahi dhawaan dalka Imaaraadka Carabta kula soo yeesheen shirkad shisheeye oo arrimaah shidaalka ah, halka ay warar kalena sheegayaan in Madaxweynuhu ka qayb galayo shirka budhcad badeeda Somalida oo ay dawladda Imaaraadku qaban qaabisay.

Weftiga madaxweynaha ayaa waxa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo xildhibaano.