Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Sannad Guurada 21aad Ee Aasaaska Booliska

0
698

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay ka Qaybgalay Xuska Sanad Guuradii 21aad  ee ka soo wareegtay Aasaska  Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna qabtay Xarunta Taliska Booliska ee Magaalada Hargeysa, ayaa wax ka soo qayb galay Madaxwaynaha Jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Wasiirka Arrimaah Gudaha Cali Maxamed Warancade, Guddoomiyaha Maxkamada Sarre Yusuf Ismaciil Cali, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xassan,  Taliyaasha Ciidamada Qaranka, Asluubta, Baddaha iyo Marti sharaf kale oo aad u baddan. Ugu horeyna waxa Munaasibada ka hadlay Hogaanka Hawl Galinta Ciidanka Booliska Somaliland  Maxamed Ducaale  Cali waxaana uu ka waramay Danbiyadii Dhacay Sanadkan2014ka.

Waxaana uu is bar bar dhig ku sameeyey sida ay u kala badan yihiin Danbiyadii sanadii 2013ka dhacay iyo kan 2014ka waxaanu yidhi. “Sanadkan 2014ka waxa danbi dalka ka dhacay (Sideed iyo toban kun Boqol iyo Sideed iyo Todobaatan danbi) inta beenawday waxa ay noqotay (Laba kun Sagaal Boqol iyo afar iyo Konton) inta heshiis laga gaadhay waxa ay noqotay (Sagaal Kun iyo Kow Iyo Afartan) inta baadhis ku jirtay waxa ay noqotay(Toban kun iyo Shan iyo labaatan) inta Maxkamada la hor geeyey waxa ay noqotay (Shan kun saddex boqol iyo sideed iyo konto) inta la xukumay(Laba kun iyo sideed iyo sodonkun) inta Xukun Suga ah waxa ay noqotay(Saddex kun laba boqol iyo sagaashan)”Ayuu yidhi. Hogaanka Ciidanka Booliska somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu ku daray. “Marka aynu eegno sanadkan wax dalka danbiyo ka dhacay iyo kii hore,sanadkii hore ee 2013ka waxa dalka ka dhacay danbiyo (koow iyo labaatan kun, Laba boqol iyo sideed iyo todobaatan) halka ay sanadkan ka taha y(Sideed iyo Toban kun  Boqol iyo sideed iyo todobaatan) waxaana ay sanadkan hoos u dhacday Saddex kun iyo boqol. Taliyaha Ciidanka booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan oo isaguna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey Wax qabadka uu ku talaabsaday Ciidanka boolisku iyo waxa u soo kordhay sanadkan. Waxanu yidhi. “ Mudane madaxwayne Iyada oo sanadkasta uu ciidanka booliska wax u kordheen xaga ciidan iyo xaga gadiidba, markasta heegan buuxa ugu jiraan sidii ay u sugi lahayeen amaanka Dalka somaliland, Xaalada dalkuna waa dagan yahay, intaad xilka haysayna madaxwayne waxaanu soo kordhinay qalabka ka hortaga rab-shadaha oo ciidan u gaar ah u samayna oo markasta heegan buuxa ku jira”Ayuu yidhi. Taliyaha Ciidanka booliska oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas waxa uu raaciyay”Mudane Madaxwayne Sanadkan waxa dalka gadiid ku soo kordhay 27 gadiid, Waxaana sanadkan ciidan boolis ah laga aas-aasay Gobolka cusub ee xaysimo, degmooyinka xudun iyo taleex kuwaas oo ay hada ka hawl galaan  ciidankaasi oo loo dhamaystiray xuquuqdoodii Ciidan, waxaana Dalka dibadiisa tababar ciidan kusoo qaatay 254 Xubnood oo ah saraakiil iyo sarakiil xigeen iyo 400 oo askari kuwaas oo iskugu jira alif-lay iyo dablay. Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Warancade oo isaguna munaasibada ka hadlay ayaa hambalyo u diray Ciidanka Booliska Somaliland Sanad Guurada 21 ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay,waxaana uu sheegay inuu ciidanku ku talaabsaday Guulo la taaban karo Gaba-gabadii Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Munaasibada ka hadlay Ayaa sheegay inuu ciidanka boolisku yahay Kuwa hadh iyo habeenba suga amaanka dalka waxaana uu ku amaanay Kaalinta ay dalka kaga jiraa waxaana uu yidhi “Ciidamada boolisku waa ciidanka aynu ku fadhino nabad galiyadooda, waana ciidanka ilaaliya nabad galyadeena oo ah waxa ugu muhiimsan ee dal laga hir galin karo, dadku hadaanu nabad galiyo haysan iyo ciidama boolis ah oo nabad galiyada suga oo waxba ma haysan dalkaasi xasili maayo,dagina maayo.

Madaxwaynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa hambalyo u diray Ciidanka booliska Meel kasta oo ay joogaan. “Waxaan markaas hambalyo u dirayaa Ciidanka booliska Somaliland Meelkasta oo ay joogaan iyaga iyo xaasaskoodaba aad iyo aad Ayaan hambalyo ugu dirayaa”. Dhinaca kale waxa uu madaxwaynaha somaliland ka hadlay Darajadii la siiyay ciidanka Booliska Somaliland oo ay askar badani saluug ka muujiyeen waxaana uu yidhi “waxaan Doonayaa inaanu saxno Darajadii Ciidanka la siiyay oo cabashooyin badani ka yimaadeen, waanu sixi doonaa sida ugu dhakhsaha Badan iyadana waxbaanu ka qaban doonaa”Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.