Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhex Maray Ciidamada Ilaalada Xeebaha Ee Dalalka Somaliland Iyo Djibouti

0
566

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadlay dagaalnkii dhex maray toddobaadkii hore ciidamada badda ee Somaliland iyo kuwa Djibouti.

siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo, oo markii uu ka soo laabtay shalay dalka Kuwa it hadal kooban saxaafadda ku siiyay xarunta madaxtooyada ayaa isagoo ka hadlaya socdaalkiisa, wuxuu yidhi “Waxaan safar afar cisho ah ku tagay dalka Kuwayt, mudadii  aan halkaas joogay waxaan kulamo la qaatay madaxda dalka kuwayt oo uu ugu horeeyo amiirka kuwayt Sheekh Sabaax Axmed Sabaax, waxaanan kala hadlay sii xoojinta xidhiidhka , waxaanan si gaar ah ugaga mahadceliyay amiirka mashaariicda horumarineed ee boqortooyada kuwayt ka fulisay dalka, kuwaas oo dalka iyo shacabkuna dareensanyihiin, waxaan u gudbiyay amiirka mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo Somaliland wax lagula qabanaayo, kuwaas oo Amiirkuna balan qaaday inuu dersi doono, ugana soo jawaabi doono si dhaqso ah. Sidoo kale waxaan la kulmay madaxda hay’adaha khayriga ah ee Kuwayt oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha guddiga maamulka hay’adaha khayriga ah oo ah la taliyaha amiirka, waxaanan kala hadlay abaarah ka jira Somaliland iyo sidii gurmad deg deg ah uga gaysan lahaayeen oo ay u sii balaadhin lahaayeen taakulaynta ay siiso dadka dhibaataysan.”

Wuxuu kaloo madaxweynuhu sheegay inuu jaaliyadda Somaliland ee Kuwayt la yeeshay kulan uu ugaga xog waramay ujeedada safarkiisa iyo xaaladda uu dalku marayo.

Madaxweynaha, oo ka hadlaya xiisada Somaliland iyo Djibouti wuxuu yidhi    “Ciidamada Jabuuti iyo Somalilandba wixii dhexmaray annagu haddii aanu Somaliland nahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, dani ugu jirto diyaar ayaanu u nahay, inaanu difaacno, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa inshaalaahu tacaalaa.”