Madaxweyne Siilaanyo Oo Aan Weli Xamarji Ka Aqbalin Istiqaaladii

0
509

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaan weli badhasaabkii Togdheer Md. Axmed Cumar Xamarji ka aqbalin is casilaadii uu shan maalmood ka hor u gudbiyay.

Badhasaabkii Togdheer ayaa Madaxweynaha Jimcihii u gudbiyay warqad uu shaqadii kaga fadhiistay, isagoo shirjaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inuu isu casilay duruufo u gaar ah oo caafimaad. Laakiin Madaxweynaha ayaan weli ka soo jawaabin is casilaadaas badhasaabkii gobalka Togdheer, lamana garan karo in Madaxweynuhu ka diidi doono iyo inuu ka aqbali doono. Madaxtooyada oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino go’aanka laga yaabo inuu Madaxweynuhu arrintan ka qaato ayaanay noo suurtogelin.

Icasilaadda badhasaabkaas hore ee gobalka Togdheer ayaa Madaxweynaha ku noqotay kediso, waxaanay ku soo beegantay wakhti ay gobalka Togdheer ka jiraan duruufo siyaasadeed oo sababay mudaharaadyo keenay dhimasho iyo dhaawac.