Madaxweyne Siilaanyo: Muxuu Odayaal Ayga Kaga Tagay

0
524

odCadadkan maanta waxaanu ku soo qaadanaynaa saddex ka mid ah raggii Madaxweyne Siilaanyo sida adag ula soo shaqeeyay wakhtigii uu ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ee KULMIYE. Saddexdan masuul hadda kama muuqdaan agagaarka Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu mid waliba dhinaciisa ugu maqanyahay duruufihiisa siyaasiga ah.

Baashe Cabdi Gaboobe: Eng. Baashe Cabdi Gaboobe, wuxuu ka mid ahaa garbihii uu Madaxweyne Siilaanyo ku duuli jiray wakhtigii uu mucaaradka ahaa, gaar ahaan marka laga hadlayo wakhtiyadii ololihii doorashada madaxtooyada. Baashe wuxuu ahaa guddoomiyihii ololaha doorashada ee xisbiga KULMIYE ee gobalada galbeedka, waxaanu xil iska saaray inuu hawshiisa ka soo baxo islamarkaana uu soo hooyo guul, iyadoo ay si weyn uga soo horjeedeen rag badan oo ay siyaasadda isku hayeen. Laakiin Baashe ilaa iyo maalintii uu Madaxweyne Siilaanyo kursiga ku fadhiistay lama arag isagoo madaxtooyada galaya amaba Madaxweynaha dhinac taagan, waxaanu Baashe u muuqdaa nin aan helin abaalkii siyaasiga ahaa ee uu gashaday Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu ka mid yahay ragga kaynta ku jira.

Cabdi Siciid Faahiye: Wuxuu ahaa nin ka mid ahaa dadkii guusha xisbiga KULMIYE uga keenay gobalka Selel ee xedka Somaliland iyo Djibouti, waxaanu si adag uga horyimid xisbigii UDUB iyo xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Inkastoo uu Cabdi Siciid Faahiye noqday wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada, haddana goor aan hadhana ahayn habeena ahayn ayaa xilka laga qaaday, waxaana Madaxweyne Siilaanyo u bedelay mid ka mid ah raggii ay sida weyn isu hayeen ee ka tirsanaa xisbiga UDUB iyo xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin.

Prof. Ismaaciil Muumin Aare: Mid ka mid ah raggii sida adag uga horyimid Madaxweynihii hore Daahir Rayale Kaahin oo ay isku beel ka soo jeedeen. Wuxuu Prof. Aare u babac dhigay cududii uu Daahir Rayaale ku lahaa gobalka Awdal, waxaanu kala hortagi jiray wakhti kasta siyaasad mucaaradeed oo adag, maadaama oo uu yahay aqoonyahana wuxuu dhaliishiisa u adeegsan jiray si caqli iyo cilmi leh. Wuxuu mar noqday wasiirka cadaaladda, isagoo markii dambena noqday wasiirkii hawlaha guud. Laakiin markiiba waxa laga qaaday xilkii, waxaana halkiisii bedelay rag ay isku gobal ka soo jeedeen oo aan Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga KULMIYE gashan mid la mid ah dedaalkii iyo awoodii uu geliyay wakhtigii uu mucaaradka ahaa. La soco cadadka dambe