Hargeysa(Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyayaasha xisbiyada KULMIYE iyo Waddani Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyay munaasibadda Ciidal Adxa.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culima aw-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaanu munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu shacbiga Madaxweynuhu leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.
Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo, inta Bukta ee u jiifta xanuunada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.”
Warsaxaafadeed laga soo saaray xarunta xisbiga Waddani ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, hoggaanka xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, laamaha dibadda iyo dhammaanba taageerayaasha xisbiga Waddani ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, ayaa waxa uu hambalyo iyo boggaadin uu u dirayaa dhammaanba umadda Islaamka ah, gaar ahaan Shacabka Somaliland, goleyaasha Qaranka, Xisbiyada, Ganacsatada iyo Culimo aw-Diinka, isaga oo ugu hambalyeynaaya munaasibadda ciidal Adxa awgeed.
Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxaa sida oo kale uu leeyahay shacabka reer Somaliland Ciidal Caafiya, Ciidal Caafiya, Ciid Mubaarak, Kullu-Caam Wa-Antum Bil-Khayr , isaga oo Illaahayna uga baryey in ay sannadka sannadkiisa ku gaadhaan bash bash, barwaaqo, horumar , caafimaad iyo sida oo kale in ay beesha caalamka ka helaan Ictiraaf dhammaystiran. Waxa kale oo uu Eebe caafimaad taam ah u weydiiyey dhammaanba inta xanuunsanaysa isaga oo u rajeeyey in Alle uu ka dulqaado xanuunkoodaas.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa kale oo uu Eebe uga baryeyaa umadda Islaamka ah in uu intii Soomanayd uu ka aqbalo acmaasha suuban, intii Xajtay ee buurta Carafa taagnayd-na uu ducadooda ka ajiibo. Amiin Amiin.”
Warsaxaafadeed sidoo kale laga soo saaray xarunta xisbiga KULMIYE, ayaa isna u dhignaa sidan
“Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka ee daafaha dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka hijriga 1436.
Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu munaasibadda Ciidal Adxa ee sannadkan kiisa kale innagu gaadhsiiyo caafimaad, barwaaqo iyo amni buuxa.
Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu leeyahay shacabka Ciid-Mubaarik, kullu Caam wa-antum bikhayr. “