Madaxweyne Madaxbanaanidii Garoosrka Wax Baa Ka Dhiman? Qareen Mubaarik Cabdi Ismaaciil

0
711

1Waa Talaabo Mudan In la bogaadiyo Hiil sharcina ubaahan In degreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-4481/012017

Uu kaga hoos saaray maamulkii maaliyada iyo shaqaala hoosaadka garsoorka wasaarada cadaalada oo 25 sanno ee ay soomlailand jirtay ,gacanta wasaarada ku  jirtay.

Dastuurka jamhuuriyada soomaliland qodobkiisa 97 waxa lagu Aasaasay Ha,yad garsoor oo la siman waxaaha kale ee Dawlada sida Barlamaanka(wakiilada iyo guurtida) iyo waaxda Fulinta oo ka kooban

Madaxweynaha ,Madaxweyne ku xigeenka,Golaha wasiirada Hayadaha

Dawlada,Commisionada ,wakaaladaha .

Hadaba waxa uu dastuurku udamaanad qaaday waaxda garsoorku inay ka

madaxbanaanato labada waxood ee kale.

Waaxdan garsoorka oo ka kooban

Maxakamadaha Dalka oo ah 5 Maxakamadood iyo Xafiiska xeer ilaalinta Guud,oo ay ugu sareyso Ha,yada gudida cadaaladu(High judicial Commite)

Sharciyan way ka

madaxbananayeen garsoorku Labada waxood ee kale Balse Maamul ahaan way isku dhafanayeen marka loo eego xagga shaqaaleynta shaqaale hoosaadka maxakamadaha marka laga reebo shaqaalaha maxakamada sarre,,shaqaale Hoossaadka waxa looga jeeda

Kaaliyayaasha

Maxakamadaha ,Gaadhsiiyayaasha iyo Nadifiisooyinka,oo Lagu maamuli jirey xeerka shaqaalaha Dawlada Xeer L/R 7/96 (civil service Law) Iyo Miisaniyada garsoorka oo ay wasaarada cadaalada waaxda Arrimaha garsoorku gacanta ku haysay.

Waa Guul uu ku Hogaamiyey gudoomiyaha Maxakamada sare ee soomaliland Md Adan xaajiCali Axmed oo aan xasuusto inay ka mid ahayd qudbadiisi xil wareejinta maxakamada sarre

Balse meelaha uu baahan in iyagana Il sharci Lagu eego waxa ka mid ah

1.In Garsoorka Laga saaro Ha,yada xeer Ilaalinta oo dhinacna Fulintii ka tirsan dhinacna garsoorka kaga jirta, iyadoo la tixtaaceyo shirweynihii garsoorka ee 2010 lagu qabtey Hotel Ambasdor.

2.in 10 xubnood ee gudida cadaalada 5 ka mid ah uu soo magacaabo madaxweynuhu eryi karana isagoon ubaahneyn Ansixinta Barlamaanka,sida gudoomiyaha Ha,yada shaqaalaha,Xeer Ilaaliyaha Guud,Agaasimaha wasaarada cadaalada,iyo Labada garsoore ee Darjo ahaan ku xigga Gudoomiyaha Maxakamada sarre.

3.in Afarta Xubnood ee Golaha Barlamaanku soo magaacabo labadii sanaba Mar nasiib darro aanay aheyn  qaar Joogto ah ,marka la soo xulayana lagu soo xulo qaab beelaysan.

4.Garsoorayaasha Maxakamada sarre madaxweynaha oo kaliya ayaa soo magaacaba isagoon ubaah ayan oggolaanshaha Golaha wakiilada sidoo kalena uu Eryi karra isagoon ubaahneyn Oggolanshaha Golaha sharci _dejinta.

Tixraacyo.

Qodobak 97,98,100,107.,108 ee Dastuurka jamhuuriyada soomaliland

Xeerka Nidaamka Garsoorka xeer L/r 24/2003

Degreeto Madaxweyne Sumadeedu tahay JSL/M/WM/222-4481/012017

Human Right center Report  2014 Volume 2 page 17

Qareen Mubaarik Cabdi Ismaaciil

+252 63 4368910

Qareen2017@gmail.com

Waa Aragtideyda Gaarka ah oo aanan cidna Ku matalin