Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qayb Galay Xuska Sannad Guuradii 10aad Ee Machadka CSI

0
687

Picture1Hargaysa (Geeska) Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb galay munaasibad lagu xusayay  toban  guuradii ka soo wareegtay markii  la aasaasay Machadka  tababarka shaqaalaha dawladda  ee Somaliland, oo  lagu qabtay Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa.

Waxaana xafladaasi   ka soo qayb galay  xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada,  Agaasimaha Machadka Shaqaalaha Dawladda ee dalka Itoobiya, xildhibaano, siyaasiyiin,  Maamulka iyo Madaxda Hay’adda Shaqaalaha dawlada iyo Ardayda wax ka barata.

Madaxweyne ku  xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici   oo   hadal ka jeediyay munaasibadaas  ayaa sheegay in   Shaqaalaha dawladda oo la tayeeyo  ay wanaajinayso  adeega xafiisyadda dawladda, waxaanu tilmaamay inay sharaf weyn u tahay in uu ka soo qayb gallo xuska toban guuradda ka soo wareegtay aasaaska Machadka Tababarka Shaqaalaha dawladda, waxaanu yidhi “Sharaf weyn ayay inoo tahay in aynu ka soo wada qayb galno, Toban Sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay Machadkan qiimaha weyn ugu fadhiya Jamhuuriyada Somaliland ee  Machadka Tababarka Shaqaalaha dawladda.  marka shaqaalaha  la tayeeyo waxa hagaagaya adeegi ummadda reer Somaliland loo hayay. Sannadkii  2005-tii haddii ay tahay odayaasha maalintaa diyaariyay qorsheyaasha ee  qoray iyo haddii ay tahay madaxi Hay’adda markaa joogay ee Cabdiraxmaan,  run ahaantii waan hambalyaynayaa.”

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa uu amaan u jeediyay  hay’adda  UNDP  oo muddo dheer gacanta ku soo haysay machadka shaqaalaha dawladda, waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan hanbalyaynayaa Hay’ada UNDP oo mudadaa gacanta ku soo haysay machadka. Maanta waa ILLAAHAY mahadii in Afrika ay ka korayso dagaal iyo dhibaatooyinkii ay ku  jirtay, ama  qorigii ay isku haysan jirtay.   Maantana   aqoontii  iyo caqligii ay is-dhaafsanayso,  oo ay ku socoto in ay is-gaadhsiiso horumarka”.

Sidoo kale waxa  isna halkaasi hadal ka jeediyay Agaasimaha Machadka  shaqaalaha dawladda (CSI) Md. Guulleed Saleebaan Axmed, waxaanu sheegay in waxbarashada uu machadkani bixiyaa ay tahay sidii loo kobcin lahaa tayada waxbarasho ee shaqaalaha dawlada, koorsooyinka ay bixiyaana ay tahay qaar ay markii hore ay bixin jirtay jaamacada Hargaysa, waxaanu  yidhi “Machadkani waxa uu leeyahay barnaamijyo wada shaqayneed oo ah sidii kor loogu qaadi lahaa shaqaalaha dawladda.  barnaamijyadda  waxbarasho ee Machadka dawladda waxaa  lagu bilaabay koorsooyin gaagaaban oo isugu jira agaasinka iyo maamulka. Kuwaas oo markii ugu horaysay  jaamacadda Hargeysa laga bixin jiray,  looguna talogalay in shaqaalaha si deg-dega  ah loogu dhiso tayada shaqadda,  imikana waad og-tihiin oo 24-ka saac waraaqo ayaa na loo soo qoraa,  lagu doonayo in aanu shaqaalaha ku tababarno,  annagoo  aanay barnaamijyadu diyaar ahayn.Waxaana  ILLAAHAY mahadii ah  in aanu  is-bedelka intaa le’eg  muddo toban sanno ah ku  gaadhno.”

Agaasimaha Machadka Shaqaalaha  ayaa isaga oo  faahfaahin ka bixiya tiradda ardayda kala duwan ee machadkaasi ka faa’iidaystay mudaddii uu jiray,  iyo tiradda kuwa imika wax ka barta ayaa waxa uu yidhi “Shaqaalaha ka faa’iideystay barnaamijyada Dibloomooyinka Machadka waxa ay tiradoodu dhan tahay 590, shaqaalaha dawlada ah, halka   ay dhan yihiin 240 imikana ay ku jiraan Machadka 620 arday oo shaqaale dawladeeda, barnaamijyada Digreega ah iyo kuwa gaagaaban ba dhigtay.”

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha dawladda  Maxamad Mixile Boqore,  oo isna munaasibadaas ka hadlay, ayaa sheegay in Machadka Shaqaalaha dawladdu uu buuxiyay baahi weyn oo loo qabay in lagu tayayeeyo  hawl-wadeenadda dawladda, waxaanu tilmaamay in machadku marayo meel wanaagsan oo u baahan in la taageero.