Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay Magaalada Hargeysa ku Daah-furey laba Mashruuc oo kala ah Waraabka Kannaalada iyo Sifeynta Midhaha, kuwaasi oo laga fulin doono Gobollada Oodweyne, Gabiley, Togdheer iyo AWDAL.
Mashaariicdan oo uu Maalgaliyey Midowga Yurub isla-markaana si wada jir ah ay u fulinayaan Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Hay’adda Beeraha iyo Cuntada ee Qaramada Midoobay (FAO), ayaa waxa furitaankiisa ka qayb-galay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, Deegaanka Marwo Shugri Ismaaciil Baandare, Qorsheynta Qaranka Cali Shoombe, Madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland Maxamed Jaamac, Madaxa FAO ee Xafiiska Nairobi, Madax ka socotay Ururka Midowga Yurub iyo Isku-duwayaasha Gobollada Dalka ee Wasaaradda Beeraha Somaliland.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdillaahi … oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa ka qayb-gelayaasha ku soo dhaweeyay furitaanka Labadan Mashruuc oo muhiim u ah Beeralayda Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan dhammaantiin idinku soo dhaweynaynaa Xafladda Daah-furka labada Mashruuc ee kala ah Waraabka Kannaallada Beeraha iyo Siidhka la Nadiifiyey, labadaa Mashruuc oo laga fulin doono Gobollada Togdheer, Oodweyne, Gabiley iyo AWDAL.”
Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Labadan Mashruuc ee waaweyni waxay wax ka tari doonaan Wax-soo-saarka Beeraha.” Ayuu yidhi.
Madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda Beeraha iyo Cuntada Adduunka ee FAO Maxamed Jaamac oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey Ahmiyadda labadan Mashruuc u leeyihiin Beeralayda deegaannada laga fulinayo, maaddaama oo ay Dadka Beeralayda ah dhibaato ka haysato Siidhka iyo Kannaallada Waraabka ee Beerahooda, “Mashaariicda oo ay soo wada qaabeeyeen Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Hay’adda FOA isla-markaana uu Maalgeliyey Midowga Yurub waa Mashaariic muhiim u ah Somaliland, Waayo? waxaa loogu talo-galay in kor loogu qaado Wax-soo-saarka Beeralayda, hagaajinta Kannaallada Waraabka iyo Siidhka Beeraha, si Beeralayda Wax-soo-saarkoodu kor ugu kaco.”ayuu yidhi, Madaxa Hay’adda FAO ee Somaliland Mr. Maxamed Jaamac.
Wakiil ka socday Ururka Midowga Yurub oo Magaciisu yahay yahay Martino oo isaguna halkaasi ka jeediyay hadal dheer oo ku taxaluqa Mahaariicdan, ayaa yidhi, “Midowga Yurub waxa ka go’an inay sii joogteyso Taageerada Somaliland, Mashaariicdana waxa ku baxaya $ 4.5 Milyan oo dollar.”
Masuulkan ka socda EU oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Mashaariicda looga dan leeyahay in wax soo saar badan la sameeyo, “Waxaanu doonaynaa Wax-soo-saar badan, Maaha oo keliya in laga shaqeynayo Sugidda Cuntada, balse waa in Soomaalidu ma maarmaan ama yareeyaan Cuntada ay dibadda kala soo degaan.” Ayuu yidhi, Mr. Martino oo ka socday Midowga Yurub.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa iyaduna sheegtay, “Waxaan rajeynayaa inaynu Mashaariicdan ka faa’ideysan doono. Annagu ka Wasaarad ahaan wada shaqeynta naga dhexeysa Wasaaradda Beeraha waa mid muhiim ah, marka Sannadkan Roobku inoo da’ana waxaan ku han-weynnahay in meel walba Cagaf la geliyo, si meel walba midho inooga soo baxaan.”ayay tidhi, Wasiir Shukri.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo horumarinta Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-shoombe), ayaa isaguna yidhi, “Waxa laga maarmaan ah inaynu wax la soo baxno. Waxaan arkayey Midhaha la sifeeyay, laakiin waxaanu jeclaan lahayn Siidhkii Asalka ahaa inaanu helno.”
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, oo isaguna Munaasibadda lagu Daah-furey labadan Mashruuc ka jeediyay hadal dheer, ayaa yidhi, “Waxaynu la soconaa Abaar aynaan hore u arag oo Dalkeenna ku dhufatay, haddana waxaynu nahay Waddanka keliya ee illaa hadda waxay Afka geliyaan Dibadda kala soo dega, markaa Ictiraafka aynu raadinayno sow innagu ma hor-taagnin.”
Wasiirku wuxuu sheegay in Waddamada Adduunku waxyaabaha ay Ahmiyadda Siinayaan laga dhex arko Miisaaniyadahooda, laakiin Somaliland aan Miisaaniyaddeeda laga dareemi karin in waxa aynu u baahannahay yahay isku filaansho dhanka Cuntada ah, “Miisaaniyadda Qaranka marka la sameeyo waxa had iyo jeer laga dheehdaa dalkaasi waxa uu hiigsanayo ee ujeeddadiisu tahay, nasiib daro Miisaaniyaddeena lagama dheehdo inaynu doonayno inaynu Cuntada iskaga filnaano.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Nabadgalyada wax badan baa inagaga baxay, Caafimaadka ayaa wax badan la geliyey, waxaan filayaa inaynu joogno xilligii laga baxayey Gacmo-hoorsiga, si aynu Cuntada iskaga filnaano waa inay Beeralayda taageernaa.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Waxa innaga lumay Shinnidii loo isticmaalayey Abuurka Beeraha, waxaynu soo qaadanay Shinni wakhtigii Dalku burburay dibadda la inooga keenay oo aan tayo lahayn oo aan cimiladeena la haysan, oo u nugul Cudurrada, waa inaynu la dagaalannaa Shinida (Ceynkaas ah ee la inoo keenayo), waayo? Waxaynu u baahannahay Shinidii Asalka ahayd. Labadan Mashruucna mid waa Abuurka Shinida, waxaana la leeyahay wuxuu ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin maaddaama oo ay laba Maamul kala yihiin innagu waxeena gaar ayaynu u ilaashan doonaa. Mashruuca kale waa waxa loo yaqaanno Kannaallada Waraabka Beeraha, waxaana la hagaajinayaa Kannaallada Waraabka Beeraha, qaybta labaad ee isla Mashruucanna waa Biyo-xidheenno laga samaynayo meelo Gobolka Gabiley ah iyo Moosas loo samaynayo Beeraha, si marka Roobku da’o aanay Biyuhu uga tagin, Shinidaa la keeni doonaa waxay noqon doonaan, Arabikhida, Sin-sinta, Hadhuudhka iyo Digirta. Labadaa Mashruuc ka sakow, Wasaaradda Beeraha waxa Abuuriin uga socda Mashruuc weyn oo Cilmi-baadhis ah, Raggii ka shaqeynayeyna tababbar saddex Sanadood ah ayaa u socda.”
Gabogabadii Munaasibaddaasi waxa ka hadlay isla-markaana soo xidhay Madaxweyne ku-xigeenka, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu soo dhaweeyay labadan Mashruuc, isagoo ku baaqay in si wanaagsan looga faa’ideysto, “Ummad kastaa waxay ku horumartaa siday wax ula soo baxdo, Ummad aan waxba la soo bixina Cidna wax ma tarto. Wakhtiga aynu Biyo Helnana waxay innaga gelayaan Badda, inyar ka dibna waynu u baahanneynaa, sidaa daraadeed waa inaynu wax ka baranno Abaaraha soo noqnoqonaya.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku, waxaanu intaa ku daray, “Guryo dhowr boqol ah ayaynu dhisnaa, maxaynu u dhisi waynay Barkad qaadeysa 500 oo foosto oo biyo ah oo ay dhowr kun oo dollar ku baxaan.”
Saylici oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Qofku hadduu la soo baxo Inta uu cunayo Dalka ayuu wax taray, waayo? Lacag badan oo dibadda inooga bixi lahayd ayuu hakiyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in laga faa’ideysto Mashaariicdan, isagoo Dadweynaha ku dhiiri-geliyey in Beeralayda loo samaynayo Kannaallada Waraabka Biyaha aanay Hay’adaha uun wax ka sugin ee ay ka hor-tagaan inta aanay Jeex-jeexyadu ku bilaabin beerahooda, si Biyaha Roobku aanay u dhaafin “Mashaariicdana waa Mashaariic qiimo badan, sidaa daraadeed Muddada uu socdo waa in laga faa’ideystaa, oo aan Hay’ad uun wax laga sugin mar walba ee laga hor-tago inta aanay Laagta bilaabmin oo aanay Biyuhu jeexin. Waa inaynu fadhiga ka kacno oo aynu wax la soo baxno.”
Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu u Mahad-celiyey Midowga Yurub oo Mashaariicdan Maalgelinaysa, Hay’adda FAO iyo Wasaaradda Beeraha Somaliland oo wada fulinaya.