Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo xukuumaddu u dhistay guddida qandaraasyada qaranka iyo hay’adda U diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka.
Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu saaka xadhigga ka jaray dhisme casri ah oo loo bineeyey guddida qandaraasyada qaranka, waxana munaasibadda xadhig-ka-jarista hadal kooban ka jeediyey guddoomiyaha guddidaas, Mudane Nuux Maxamed Xuseen, isaga oo madaxweynaha uga warbixiyey dedaalka qaranku geliyey inay guddidaasi yeelato dhisme gaar ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadalka qaatay, ayaa si mug leh u ammaanay hawsha ay guddida qandaraasyada qaranku bulshada u hayaan iyo sida daah-furnaanta leh ee ay bulshada ugu adeegaan, isaga oo xusay inuu madaxweyne ahaan la dhacsan yahay shaqada guddidaas iyo adeegga ay bixiyaanba.
Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah iyo bakhaar keydka Raashinka loogu talo galay oo loo dhisay hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, waxana xarunta kusoo dhaweeyey shaqaalaha hay’addaas oo uu horkacayo guddoomiye Faysal Cali Sheekh.
Madaxweynuhu waxa kormeeray dhismayaasha cusub iyo Bakhaarka keydka Raashinka ee loo dhisay hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka qaranka, kadibna waxa uu xidhigga ka jaray dhismayaashaas xukuumaddu hirgelisay.
Guddoomiyaha Hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, Mudane Faysal Cali Sheekh oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay hay’addaasi qaranka u leedahay iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee ay ka qaadatay masiibadii SAGAR ee dhawaan ka dhacday gobollo kamid ah dalka, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ka hay’ad ahaan xil weyn iska saareen sidii loo heli lahaa keyd Raashin oo qaranku kaga bixi karo xaaladaha adag ee soo waajaha.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka qaranka iyo Keydka Raashinka, waxana uu bulshada usoo jeediyey inay garab galaan, “Waxannu hambalyeynaynayaa oo ku ammaanaynaa hawsha ay qaranka u qabteen hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka, dad isku tashaday oo midoobay uun baa ka hortegi kara Aafooyinka iyo dhibaatooyinka, dad tafaraaruq ah oo is wada khilaafsani meel gaadhi maayo, hay’addanina waannu ugu mahadnaqaynaa keydka yar ee ay sameeyeen, dhulka ay beereenna dedaalkoodu ma yara oo in lala shaqeeyo ayey u baahan yihiin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Geesta kale Madaxweyne Biixi ayaa isla shalay dhagax dhigay dhisme cusub oo loo binaynayo xarun lagu keydin doono keydka Taariikhda qaranka, kaas oo laga hirgelin doono goobtii ay ahaan jirtey Khayriyadii hore ee Hargeysa.
Dhismahan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhagax-dhiggeeda waxa hadallo ka jeediyey masuuliyiin, abwaanno iyo ganacsato kala duwan, kuwaas oo ku dheeraaday muhiimadda ay xaruntani qaranka u yeelan doonto iyo baahida loo qabo in dhammaanba wixii keyd ah bulshada manfac u leh loogu keydiyo si jiilka dambe ee dhalan doonaa u intifaacsadaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa ku dheeraaday taariikhdii ay soo martay xarunta Khayriyada Hargeysa ee haatan laga dhisayo Keydka Taariikhda Qaranka, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay goobtaasi tahay xarun bulshada reer Somaliland Taariikh dheer u leh oo ku habboon in laga dhigo madal Taariikhda bulshada lagu keydiyo.
Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxay waxyaabaha la doonayo in lagu keydiyo xarunta cusub ee loo dhisayo keydka Taariikhda qaranka,“Halkan waxaynnu ka doonaynaa in Taariikhdeenaa shanta kun ee sanno ah wixii ina soo maray ee jirey, talo haddii ay tahay, haddii ay dhaqan tahay iyo haddii ay Saynis iyo cilmi tahayba, lagu keydiyo, dad baynnu ahayn dhisan oo isku filan oo noloshoodu isu miisaaman tahay oo sida ay u noolaanayaan iyo waxa ay qabanayaan garanaya, wixii baynnu rabnaa inaynnu halkan kusoo ururinno oo ka faa’iidaysanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Xarunta cusub ee uu madaxweynuhu maanta dhagax dhigay, ayaa noqonaya mid loo asteeyey in laga helo dhammaanba wixii taariikh iyo cilmi ah ee ay bulshada reer Somaliland lahayd, waxana uu madaxweynuhu ugu baaqay inay shacabku dhammaanba soo ururiyaan wixii Taariikh ah ee ay hayaan, si looga faa’iidaysto.