Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dekedda Berbera ku tilmaamay mid muhiim u ah inta badan dalalka Afrika.
Wakaalada wararka ee Euro News, ayaa warbixin muuqaal iyo qoraal ah toddobaadkan ka diyaarisay dekedda Berbera, iyadoo uu saxafi ka socday wakaladaadani la kulmay Madaxeyne Biixi, Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo madaxa DP world.
Warbixinta oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa waxay u dhignayd sidan “Tan iyo markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka madax-banaan tahay Somaliya 28 sanadood ka hor, Somaliland waxay la halgantay maaligelin la’aan, faqri iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo liita.
Balse marshuuc lagu balaadhinayo dekedda Berbera ayaa ka dhigi kara jamhuuriyadda shacabkeedu yahay 4 milyan xarun caalami ah oo maraakiibtu iskugu timaado islamarkaana iridaha u furi karta awoodda baaxadda ah ee ay leedahay.
Berbera waxaay dhacda xeebta koonfureed ee Gacanka Cadan. Waxaay kaga taal Geeska Afrika goob istiraaji ah, islamarkaan waxaay dhacdaa marin mashquul badan oo ay maraan maraakiibta ku socda iyo kuwa ka yimaadda Bariga Dhexe iyo bariga Afrika.
Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ku tilmaamay Berbera “albaabka ku xidha dalal badan oo Afrika ah dunida.” ““Berbera waxay muhiim u tahay Somaliland, Geeska Afrika iyo inta badan ee dalalka badhtamaha Afrika.
“Dhinaca bari, ilaa Eeshiya, qaarad yaraha Hindiya, ilaa Shiinaha. Dhinaca kale Kanaalka Suwiiska marka la sii dhex maro, waxaay isku xidhaa dalal badan oo Afrikaan ah Bariga Dhexe, Yurub, ilaa Woqooyiga Ameerika.”
Sanadkii 1991 ayay Somaliland ka goosatay Somaliya, ilaa xiligaasna si madax banaan ayay u shaqaynaysay. Waxaay leedahay baarlamaankeeda u gaarka ah, doorashooyin, lacag u gaar ah, baasaboor, calan, ciidan militari, iyo xududoodo.
Balse looma aqoosana dal, taas oo meesha ka saaraysa inay ka hesho caawimo ama dayn toos ah inta badan hay’adaha caaamiga ah.
May 2016 kii, DP World waxaay saxeexday heshiis qiimihiisu yahay 400 milyan Euro si ay u maamusho ganacsi heer gobol oo ay ka abuurto Berbera.
Tan iyo xiligaas, awoodda dekedda Berbera waxaay kor ugu gacday 50%. Maanta waxaay maamushaa 13, 000 oo kontiinar bishii.
Supachai Wattanaveerachai, oo ah madaxa fulinta ee dekedda, ayaa yidhi “hadafkayagu waa inaanu ka dhigno Berbera xarun badeed oo heer gobol ah iyo albaab u furan Itoobiya, iyo sidoo kale inaanu u furno dadka Somaliland suuqyo cusub.”
Waxa qayb ka ah heshiiska in la dhiso wadooyin si dekedda loogu xidho dhul waynaha.
Taasi waxaay ku xidhaysaa Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo shacabkiisu ka badan yahay 100 Milyan islamarkaana ah dal si degdeg ah u yeelanaya wershado.
Iyada oo ay yar tahay maalgashiga shisheeye, dawladda Somaliland iyo ururo kale ayaa isku dayaya inay abuuraan shaqooyin cusub.
Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, wuxuu sheegay in rajadu tahay in marshuuca dekeddu uu u keeno faa’iidooyin badan guud ahaan dhaqaalaha.
“Waxaannu qabaa in mustaqbalku soo ifayo. Maalgelinta dekedda lagu sameeyey waxaay furfuraysaa wax badan oo Somaliland ka dhacaya kuwaas oo ay xaqiiq tahay inay abuurayaan shaqooyin, ayna gelinayaan rajo dhalinyaro faro badan.”
“Shacabkayagu waa mid aad u da’ yar. Ilaa 70% waxaay ka yar yihiin 30 jir. Waxaannu aaminsanahay in marka la isku daro dekedda iyo wadada Berbera ee isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya, iyo aagga xorta ah oo lagu sii daro gegida diyaaradaha ee caalamiga ah, kaabayaashaas dhaqaalaha oo dhan markaad isku gayso waxa abuurmaya awoodda loo baahan yahay si loo daboolo baahida loojistik ee gobolku qabo.”
Shamis Adan Cawaale waxaay dhar ka soo dhoofisaa Bariga Dhexe iyo Shiinaha, waxaayna rajaynaysaa inay ka faa’iido.
Waxaay u sheegtay Connecting Africa: “dib u dhacyo ayaanu kala kulanaa dekedda. Marka alaabtu timaado waa inaad mudo sugtaa sababta oo ah dekeddau way yar tahay mana haysato qalab casri ah. Waxaannu maqalnay in marka la balaadhiyo in dib u dhacyadaasi ay gebi ahaanba meesha ka baxayaan.”