Hargaysa(Geeska):-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ah Murashax u tartamaaya jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa waxa uu sheegay inaannu Madaxweynaha uga baqayn inuu cid raaco, isla markaanna soo kala dhawaysto Murashaxiinta KULMIYE.
Murashaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray, waxa uu kaga hadlay warar lagu baahiyay warbaahinta dalka oo sheegaya in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uu si buuxda u taageeray Murashaxnimada Muuse Biixi, hase yeeshee waxa uu Murashax Kijaandhe uu sheegay inaanay jirin Murashax uu Madaxweynuhu si gaar ah u taageeray, iyadoo uu ku bogaadiyay mawqifkiisii dhex-dhexaadnimada uu ka qaatay Tartanka Murashaxiinta KULMIYE.
Warsaxaafadeedkaas oo uu soo saaray Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka mid ah Murashaxiinta u tartamaysa loolanka Madaxweynenimada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaan Madaxweynaha uga mahad-celinayaa mawqifkiisa ku wajahan dhex-dhexaadnimada ah ee uu u yahay Murashaxiinta ku tartamaaya jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa. Marnaba wararka kutiri-kuteenka ah ee sheegaaya in Madaxweynuhu cid taageeray, shaqsiyan ma aaminsani, fikirka aan Madaxtooyada ka qabanna wax-ba ka bedeli mayso, waxaanan qabaa inaanu Madaxweynuhu marnaba kala raacay Murashaxiinta KULMIYE.
Dhaqankii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo looga bartay-nna maaha, haddii uu cid raacaayo aniga (Murashax Kijaandhe), ayuu I raaci lahaa, laakiin dooni maayo innuu cid-nna godob ka galo. Mar labaad Madaxweynaha waan ku bogaadinayaa mawqifkiisa dhexdhexaadnimada ah ee uu ka istaagay Murashaxiinta KULMIYE, waanna wax taariikhda geli doonta haddii rabbi idmo.”