Madaxweynaha Somaliland Oo Soo Saaray Awaamiir Khuseeya Ololaha Doorashada Isku-Sidkan

0
37

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa mamnuucay in hantida dadwayanaha, shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada loo adeegsado ololaha doorashooyinka, sidookale, warbaahinta xukuumadda ayuu ku amray in ay si siman u tabiyo wararka axsaabta kala duwan.

“Waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in xisbigyada qaranka iyo ururrada siyaasaddu u sinnaadaan war-baahinta dowladda ee kala duwan iyo baahinta wararka muddada ololaha

doorashooyinka innagu soo foolka leh” ayaa lagu yidhi wareegto ka soo baxday Madaxtooyada.

Sidoo kale, waxa uu Madaxweynuhu faray wasiirka arrimaha gudaha in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha muddada ollolaha doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta axsaabta iyo ururrada siyaasadda ee ku sugan fagaarayaasha ollolaha.

“Waxa reebban in hantida danta guud ee qaranka nooc kasta oo ay tahay in loo adeegsado ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh. Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha dowladda iyo ciidammada kala duwan ee qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ollolaha” ayaa lagu yidhi wareegtada.

Madaxweynuhu waxa uu faray hay’addaha kala duwan in ay gacan ku siiyaan komishanka doorashooyinka gudashada waajibaadkooda ah qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo asxaabta siyaasadda.

Amaradan ayaa imanaya iyada oo uu olloha doorashooyinka madaxtooyada iyo asxaabta siyaasada Somaliland shalay si rasmi ah uga bilaabmay dhamaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland.