Madaxweynaha Oo Xadhiga Ka Jaray Teerminaalka Madaarka Berbera

0
724

Picture4Hargeysa (Geeska)-Madaxweynaha  Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo Shalay safar ku tagay Magaalada Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa  xadhiga ka jaray dhismaha terminalka cusub  ee Madaarka Berbera.

Munaasibadii lagu furayey dhismahan ayaa waxa ka qayb galay Madaxweyne Siillaanyo, qaar ka mid ah Wasiiradda, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida, Maayarka Berbera, Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Masuuliyiin ka socday safaradaha Yemen, Itoobiya, Turkiga, Iyo marti sharaf tiro badan. Munaasibadaasi oo lagu qabtay dhismaha cusub ee Kuwait Terminal ee Madaarka Berbera ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar-Sayid Cabdilaahi Aadan, waxana hadladiisii ka mid ahaa “ Mudane Madaxweyne sharaf weyn ayey ii tahay inaan kugu soo dhaweeyo dhamays tirka mashruucan weyn ee aanu ka hirgelinay madaarka Berbera, waxa xusid mudan taageerada dhaqaale ee uu ina siiyey Boqorka dalka Kuwait Eebe ha xafidee, iyo sanduuqa Kuwait Fund, mashruucan  aanu maanta dhamaynay waxaanu bilownay sanadkii 2012-kii, Maanta (Shalay), waxaynu dhamaanteen markhaati ka nahay in la xaqiijiyey himiladii dhismaha Terminalka iyo Xayndaabka Madaarka .”

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire oo isaguna Munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi “ Marka hore ILAHAY ayaa mahad oo dhan iska leh, sidoo kale waxa mahad san dawladda Kuwait oo mashaariicdan inagu taageertay, waxa kale oo xusid mudan shirkadii dhismahan hirgalisay aynu u mahad celino, waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan amaan, iyo bogaadinba ugu diro Wasaaradda Duulista Somaliland, gaar ahaan Wasiirka oo runtii intii uu joogay wax weyn ka qabtay Garoonadda dalka, Mudane Maxaweynaha munaasibadan aynu maanta halkan isugu nimid, ee furitaanka madaarkani, wuxuu leeyahay ahmiyad Gobol iyo mid Qaran, madaarkani wuxuu leeyahay saamayn maqaam iyo mid dhaqlaale, Mudane Madaxweyne Madaarku waa wajiga mudan, waana halkna qofka Ajinibka ah ee dalka soo galaa uu ka qaato fikirka wadankaas, waa halka hadii madaarku wanaagsan yahay, shaqaalaha ka shaqeeyaa ay tayo leeyihiin wuxuu ka qaataa fikir wanaagsan.”  Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Mudane Madaxweyne, Mudanayaal iyo marwooyin milgo iyo maamuus weyn ayey maanta noo tahay inaad nagala soo qayb gashaan munaasiban aynu ugu wanqalayno Terminalka Cusub iyo xayndaabkan aynu u samaynay Madaarkeena Berbera, mashruucan oo soconayey mudo dheer wakhtigii loogu tallo galayna dib ugu dhacay mudo dheer sababo badan awgood, bishii September 2012-kii ayaanu dhagax dhignay mashruucan, shirkadii qandaraaska heshay waxa ka hor yimid caqabado farsamo oo ka Wasaaradda ahaan iyo Hay’adda Kuwat Fund aanu garwaaq sanay, meeshan Terminalka laga dhisay waxay ahayd Garoon milatari, oo ay ku aasanaayeen Hub badani, Godod hoosana leh, oo diyaaraha dagaalku galaan, arrintaas oo aan qandaraaska ku jirin ayaa soo baxday, shirkada dhismaha samaynaysay ee Itoobiyaanka ahina waxaan ugu mahad naqayaa waxba nagumayn kordhin xaga dhaqaalaha, laakiin dib u dhac xaga wakhtiga ah ayey keentay arrintaasi.” 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ugu dambeyntii munaasibadaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ farxad weyn ayey ii tahay maanta inaan ka soo Qayb galo xaflada furitaanka Terminalkan ay inoo dhistay dawladda Kuwait, Terminalkani ahmiyad aad iyo aad ah ayuu u leeyahay dalkeena iyo dadkeenaba, waa mid qiimo iyo qaayo leh, sidaynu u aragno, oo macno weyn inoogu fadhiya, oo caalamiya , wax weyna ku soo kordhinaya dhaqdhaqaaqa dalkeena INSHA ALLAH.” Madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Madaarkani waa mid aynu ku faanayno, sidaa daraadeed waynu u mahad naqaynayaa dawladda Kuwait iyo cidii gacan ka gaysatayba, dawladda Kuwait waxaan leeyahay aad iyo aad ayaan u mahad san tihiin, markaas inaguna waxaynu ku dadaalaynaa in waajibaadka ina saran iyo wixii inala soo gudboonaada inaynu fulino, oo aynu qabano dalkeena iyo dadkeenaba wixii anfacaya, xilka iyo intii inagu soo beeganta inaynu qabano oo si fiican u fulino, Insha Allahu tacaalaa.”  Madaxweyne Siilaanyo ayaa diyaarad ku yimid Garoonka Diyaaradaha ee Berbera isagoo ka soo raacay Garoonka Hargeysa, sidoo kale madaarka berbera waxa maanta ka soo degtay diyaarada Itoobiya Airline oo siday saraakiil sarsare oo xaflada ka soo qaybga