Madaxweynaha Oo Xadhiga Ka Jaray Qaadashada Basaboorka Cusub Ee Dalka

0
655

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa shalay xadhiga ka jaray Qaadashada ama Bixinta Baasaaboorada Cusub ee loo yaqaan E-Passport kaasi oo Muwaadiniinta Reer Somaliland qaadan doonaan. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu noqday Qofkii u horeeyey ee qaata Baasaaboorkaasi isla markiiba waxaana halkaasi faah-faahin dheer ka siiyey Madaxweynaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay taliyaha laanta socdaalka Gaashaalen Maxamed Cali Yuusuf.  Madaxweynaha ayaa Madashaasi ka jeediyey Hadal ku saabsan qiimaha uu leeyahay Basaboorku waxanu tilmaamay in Xukumadiisa ay ka Go’antahay in ay Hirgaliso sidii waddamo badan loogu taggi lahaa Basaboorka Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in Qofkasta oo Somaliladn ahi uu qaadan karo  Basaboorkiisa. Dhanka kale waxa faahfaahin ka Bixiyey Qiimaha Lacagta ee ku baxday iyo sidda uu Basaboorkani uu yahay mid tayadiisu aad u fiican tahay Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed yusuf Cambaro waxanu tilmaamay in xukumadu ku guulesytay in ay soo dabacdo basaboorkasi cusub.