Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maxkamadda sare ee Somaliland u gudbiyay codsi uu kaga dalbanayo inay dib u eegis ku samayso qaraarkii ay hore ugu go’aamisay inay doorashooyinka madaxtooyada iyo baarlamaanku mar wada qabsoomaan.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa qoraal uu xalay soo saaray wuxuu maxkamadda sare kaga codsaday inay dib u eegis ku samayso qaraarkaas, waxaanu yidhi “Haddaba, ka dib markii aan soo saaray go'aamada kor ku xusan, waxaan u gudbiyey Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland si uu uga guto waajibkiisa dastuuriga ah, maadaama ay iyagu hore ugu codeeyeen in la isku lamaaneeyo labada doorasho ee Wakiillada iyo Madaxtooyada, isla markaana go'aan ku soo saareen.
Mudane Guddoomiye, waxaan si xushmad leh kuugu war-gelinayaa in Golaha Wakiilladu iyaga oo tixgelinaya sababaha aan u cuskaday dartood ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen 17/09/2016, go'aan Lr. GW/KF-31/708/2016 kala qaadista Doorashada Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxtooyada, iyadoo Doorashada Golaha Wakiillada dib loo dhigayo, Doorashada Madaxtooyadana wakhtigeeda lagu qaban doono.
Sidaa darteed, waxaan Maxkamadda Dastuuriga ah ka codsanayaa in ay dib-u-eegis ku samayso Qaraarkii Fasiraadda ahaa ee Maxkamadda Dastuuriga ah ee summaddiisu tahay MS/DD/02/2015 ee 18/08/2015, iyada oo ka duulaysa, isla markaana tixgelinaysa sababaha kor ku xusan.”
Geesta kale, guddoomiyaha maxkamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay heleen codsiga Madaxweyne Siilaanyo oo ay ka qabteen.