Madaxweynaha Masar Oo Cafiyay Saxafiyiin Aljazeera Ka Tirsan

0
697

Picture2Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax al-Sisi ayaa shalay cafis u fidiyey labo wariye oo ka tirsan Telefishinka Al-Jazeera kuwa oo u xidhna dambi la xidhiidha in ay faafiyeen warar been abuur ah.

Afhayeen u hadley Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in Maxamed Fahmy oo haysta dhalashada wadanka Canada iyo Baher Maxamed oo Masaari ah ay kamid ahaayeen 100-maxbuus oo la cafiyey munaasabada Ciida awgeed.

Qoysaska labada saxafi ayaa soo dhoweeyay cafiska loo fidiyey wariyeyaasha. Telefishinka al-Jazeera ayaa iyadu sheegtay in ay dooneyso in la laalo kiiska markii hore loo haystay.

Bishii lasoo dhaafey ayaa maxkamad ay ku xukuntay saddex sano oo xadhig ah kadib markii lagu eedeeyay in ay faafiyeen warar been abuur ah, waxaana si weyn uga soo horjeestay Saxaafadda xorta ah iyo qareenada u doodayey oo ku tilmaamay xukunka mid aan cadaalad ahayn.

Macadda in cafiska heer Madaxweyne uu ku jiro Peter Greste oo la xidhna kana mid ah wariyeyaasha al-Jazeera balse bishii Febraayo loo musaafuriyey wadankiisa – Australia.