Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan La Qaatay Ergeyga Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

0
17

Hargeysa(geeska) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Bixi Cabdi, ayaa maanta qasriga  madaxtooyada ku qaabilay ergeyga xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Ambassador James Swan oo dalka boogasho ku yimi.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray guud ahaan xaaladda gobolka Geeska, iyo doorashooyinka la rajaynaayo dhawaan inay ka dhacaan Somaliland ee  loo diyaar garoobayo o ee dalka kusoo foolka leh iyo wada-shagaynta u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasirka arrimaha qudaha Maxamed Kaahin Axmed, wasiirka, gorshaynta iyo horumarinta Qaranka Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo wasir-ku-xigeenka arrimaha dibadda, Marwo Rooda Jaamac Cilmi, halka dhinaca Ergeyga ay wehelinayeen saraakil xafiiskiisa katirsan oo ay kamid yihiin Obinna Okamgba, Nikolai, Dana Palade, Ahmed Qalinle, Dahir Mohamed Dahir. Mustafa Khaire.