Madaxtooyada Oo Kulankii Cirro Iyo Wasiirul Khaarajiga Kenya Ka Dib Dirtay Wasiir Sacad Cali Shire

0
709

Hargeysa(Geeska)-Madaxtooyada Somaliland ayaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya u dirtay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, iyadoo madaxtooyadu si aan toos ahayn uga jawaabaysa kulankii uu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro dhawaan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Marwo Aamina Maxamed.

fff

Madaxtooyada Somaliland oo u muuqata inaanay jeclaysan kulankaas oo doodo iyo su’aalo badan dhaliyay, ayaa waxay go’aansatay in wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad uu kulan la soo yeesho wasiir Aamina, waxaanu Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland hadda ku suganyahay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, isagoo sugaya wasiirul Khaarajiga Kenya oo safar dibadda ah kaga maqan dalkeeda, balse la filayo inay labada maalmood ee soo socda soo laabato.