Madaxda Cusub Ee SOLJA Waxa La Gudboon Inay Dhisaan Weriyayaasha Somaliland

0
530

Picture2Inkastoo wariyayaasha Somaliland muujiyaan dadaal iyo aqoontooda wariyenimo mudadii 23 sanadood ee ay Somaliland jirtay marka laga soo bilaabo wargeysadii ku soo bixi waraaqaha A4 la odhan jiray marka loo eego xaaladaha aduunka saxaafada Somaliland waxay mudantahay in la amaano laguna bogaadiyo dadaalka dhabar adayga ah ee ay ku shaqeeyaan baahiyaha qaar waxay la qabaan xaalada wadanka  qaarna waa kuwa u baahan in ka saxaafad ahaan la saxo 

 Dhawaan waxa la filayaa in shirweynihii ururku suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA la qabto waan ka xumahay in khilaaf xoogan soo kala dhexgalo  laakiin waxa amaan mudan xubnaha mudarkarka ah ee xalkeeda keenaya xalna ka gaadhay khilaafkaasi

Saxaafada Somaliland waxay u badantahay dhalinyaro  tiro badan kuwaas oo niyad fiican u haya saxaafada una baahan in la gacan qabto; badankooda waxay soo galeen wixii ka danbeeyey 2008 .

Waxa xusid mudan in dhalinyaro tiro badan horumar ay kaa gaadheen saxaafada qaarkoodana  goobo warbaahineed waaweyn yeesheen .sida wargeysada ugu caansan Geeska Afrika Maxamed Rambo  oo isagu mulkiilaha wargeyskaas  ah . iyana wax jirta qaar kale oo tifaftirayaal  ka ah  wargeysada jamhuuriya saxansaxo  somalilandtoday, ogaal .dhinaca kale tvyada badan oo Somaliland ka soo shaqeeyaa ayey  maamulaan.waxa iyana jirta mareego tiro badan oo dhalinyaro badani samaystay.waxaan iyana la iloobi karayn sida idaacada VOA dhalinyarada jaanis u siisay qaarkoodna u tageen dalka Maraynka iyana waa lama huraan in la xuso, marka laga yimaado kuwa hormarkaas gaadhay waxa jira qaar badan oo kale oo baahan in wax lala qabto oo la dhiso

Maxay dhalinyaradaasi u baahanyihiin

a)in tobabaro loo sameeyo mid gudeed mid dibadeed si waayo aragnimada iyo aqoontoodu u dhisanto

b_in qalabka wixii awood ah loo doono si xirfadooda u noqoto mid hormarka dunida la jaanqaadaysa

c)in xuquuqdooda shaqo loo ilaaliyo lagana war hayo xaaladooda sida kuwa dunida sadexaad iyo kuwa hormaray

SOLJA iyo madaxdeeda cusub waxa la gudboon in maanka ay ku hayaan in hawlahaasi u yaalaan iyo kuwa kale .sxbadayda ku tartarmayaa kuraasta SOLJA maanka hakuu hayaan in dhigooda dalalka jaarku hormar balaadhan gaadhsiyaan wariyayaashooda  macno badan samaynmayso in waa la ii doortay laakiin sxbayaal ku dadaala in isbadal horleh ku samaynayaa boqolaal wariye oo idinka  sugaya

inkastoo intii dadaalkooda ay sameeyeen madaxdi hore SOLJA soo martay hadana ma jirto qorshe cad iyo barnaamjiyo horleh oo wariyayaasha somaliland loo sameeyey walina maan arag barnaamijyo dhiirigalinaya wariyayaasha oo la yimaadeen cidkasta oo SOLJA soo martay

maalmahan waxaana arkayey rag badan oo u tartarmaya  in SOLJA ay hogaaminayaan bilaa caleek waxaan idiin leeyahay la yimaada qorshe aad wax kaga qabanaysaa xaalad wariyayaasha somaliland oo aan kamid ahay waan ka xumahay wali kamaan qaybgalin shirweyn SOLJA leeyahay marka laga reebo inaan booqday mooyaane sababta ugu weyn ee aan u tagi waayey waxa weeyaan in SOLJA ay la timaado ajande cad oo wariyayaasha wax loogu qabanyo

Xamse Cali Bulbul