Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Mujaahid (Cali Guray), ayaa sheegay in Xukuumadda taladda dalka haysa, aanay ugu talagelin in Xisbiga UCID, aanu ka mid noqon Ururada ama Xisbiyada u tartamayey Doorashadii Golaha Deegaanka ee dalka ka qabsoontay, isla markaana aanu sidoo kale ka mid noqon Saddexda Xisbi Qaran ee dalka, waxaanu tilmaamay in dadaal, karti iyo gurmad dheeraad ah oo ay sameeyeen tarteed Xisbigu UCID uu ku badbaaday.
Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa sidoo kale sheegay inuu Madaxweynaha Somaliland aanu cidna abaal u dhigan, oo cid walba oo u hiilisay uu ka hiilyey, sida Shacabkii Doortay iyo Xisbigiisa Kulmiye, isla markaana uu u hiiliyey dad leh dano khaas ah, oo dalka lacag ka urursanaya.
Mujaahid Cali Guray, oo ka hadlaayey Munaasibada soo dhaweeyna oo ay u qabteen Taageerayaal ku soo biiray, ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddani Saxaafaddii u hiilisay wakhtigii ay Mucaaradka ahaayeen ay hadda tacadiyo iyo dhibaatooyin badan ku hayso, waxaanu uga digay tacadiyadaas, isaga oo airmahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Xukuumaddan Madaxweyne Siillaanyo ugumay talagelin in Xisbiga UCID iyo XIsbigii UDUB inay u tartamaan Golihii Deegaanka, oo in khadka laga saaro ayaa loogu talagalay, Siyaasada Xukuumaddana sidaas ayey ahayd, nasiib wanaag markii aanu xaaladii UDUB, aragnay, Rag badan oo aanu UDUB isku ahayn waxa aanu danta u aragnay UCID wax ka badbaadino, oo aanu Siyaasada Xukuumadda ay doonayso in hujuudka iyo saaxada Siyaasada aanay ka tirtirin UCID, waxaanu Faysal ugu tagnay, iyo intii sutida haysay, ee ka tagi weyday, ee gundiga u haysay ee ku dagaalantay jiritaanka XIsbiga UCID”.
Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ Waxa aanu ku midawnay laba arin, oo labuduba ahaayeen nuxurka, oo hal ku dhigo ahaa New UCID, ujeedada New UCID laba arimood ayey ahaayeen, ta koowaad in XIasibga UCID u tartamo Golayaasha Deegaanka, kana mid noqdo Saddexda Xisbi ee soo baxa, Xisb iga UCID ee soo baxay, waxa lagu naanaysa Xabaal marin waa, waayo teelo looma dhigan,ku shubasho iyo ka shubashaba inuu Saaxada soo gaadho ayaa la diidana, dagaalkii aanu sameeynay iyo ILLAAHAY hiilkiisa ayuu ku soo baxay Xisbiga UCID, oo waxa beenoobay Shirqooladii iyo tabinadii loo dhigayo oo dhan, waanu ka badbaaday”.
Mujaahid Cali Guray oo hadalkiisa si iwata ayaa yidhi “Ujeedada labaad waxa ay ahayd in Xisibga UCID hankiisa kor u qaado oo uu hanweynsan karo, Xisbiga ka taliya Somaliland, waana taad nagu soo gaadheen, oo Xisbiga UCID uu noqdo Xisbul Xaakimka oo uu ku noqdo si ka duwan, sidii uu ku noqday Xisbiga Kulmiye, waxaan idiin qirayaa oo runtiina ah inaad Madaxweyne Sllaanyo, aad u hiiliseen, laakiin aanu isagu idiin hiilin, oo uu idinka hiiliyey, oo uu ka hiiliyey Shacabka reer Somaliland oo dhan, cid kale iska daa ee waxa uu Madaxaweynuhu ka hiiliyey Xisbigii uu ka soo baxay ee Kulmiye, oo haddii uu Madaxweynuhu Kulmiye ka hiiliyey, uu Shacabkii ka hiiliyey, oo dadkii doortay uu ka hiiliyey, yuu u hiiliyey, waxa uu u hiiliyey shaqsiyaad hankoodu aanu dhaafsiisnayn Lacag urursi, oo haba lacag urursadaan ee haddii ay Somaliland u lacag urursanayaan waxba may ahaateen ee Yurub iyo Mareykan ayey u lacag urursanayaan, dad ayaa qabyaalada ka dhiga oo yidhaahda reer Hebel ayaa taageersan, anaga ayaa Burco tagnay, Barriga Burco anaga ayaa aragnay, anaga ayaa ku dhex jirna, dadka masiibadani, wey ku dhacday marka laga reebo dad fara ku tiris ah,Maanta marka aad aragto dad toos u raacsan Xukuumaddan, wax ayuu meel yar ka cunaa, qandaraasyo ayaa la siiyey, meel ayuu lacag ka helay, waa dan shaqsi waxa Xukuumaddaas loo taageeri karaa, markaas walaalayaal inaynu u midawno sidii aynu Qarankaas u badbaadin lahayn, Siyaasadeenana u joojin lahayn waa muhiim”.
Cali Guray isaga oo ka hadlay xeerka Diiwaangelinta, Komishanka, Doorashooyinka iyo waxa ay Xukuumaddu ka dambacsan tahay waxa uu yidhi “Madaxweyne Siillaayno runta inuu og yahay weeye, haddii ay Xeerka Xanibaan iyo haddii ay dabada giijiyaanba, Doorasho 2015, waddo kale idiinma furna, markaaas waxa leeyahay rafadka aad rafanaysaan iska daaya oo xeerka aad diidan tihiin rafadka ayuu ka mid yahay, komishankan ay tiidan yihiin rafadka ayuu ku jiraa, oo Shalay markii ay Mucaaradka ay ahaayeen Doorashada sida ay ugu deg degayeen waa la arkaayey, markaad helaysaan sida aad ugu deg degaysaan, marka la idinka helayo dabada ha sii giijinana, ee soo gala Doorashada oo tartama”.
Cali Guray mar uu ka hadlaayey Saxaafada iyo tacadiyada ay ku hayso Xukuumaddani ayaa yidhi “Anigu odhan maayo Saxaafdau boqolkiiba boqo waa sax, laakiin waxa aan leeyahay oo aan Xukuumadda u sheegaya, Saxaafaddani Saxaafad kale maaha, waa Saxaafaddii Somaliland, waa tii aad taqaanayn, waa tii markii aad Mucaaradka ahaydeen Hiilka iyo Garabka idiin ahayd, waa tii aad ogeydeen Daahir Rayaale iyo UDUB, ku lahayd,markaas Maanta Dulqaadkiinu inaad tishaan Saxaafadda kari maysaan, inaad joojisaana kari maysaan, inaad u dulqaadataan, oo aad nalootaan wax idiin dhama ma jiraane, ixtiraama xoriyarul qawlka”.