Madasha Iyo Xisbiyada Mucaaradka Oo Xukuumada Eedaymo Badan U Jeediyay

0
486

Picture3Hareysa (Geesja)-Madasha Wada-tashiga Somaliland iyo Labada Xisbi Mucaarad ayaa si adag uga hadlay falki ay Shalay ku kacday Xukuumaddu Somaliland, ee Ciidamada u adeegsatay Shacabka reer Somaliland ee sababay dhimashada iyo dhaawaca, qaar ka mid ah Gobolada Somaliland.

Ugu horeyn   Shir jaraa’iid oo ay Madadasha Wada-tashiga Somaliland ay ku qabteen Shalay Guriga Xasan CIise Jaamac ayaa waxa ay ka hadleen xaaladi ka  Shalay ee Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mudaharaadada ka dhacay Magalooyinka qaar ee lagaga soo horjeedo Xukuumadda waxaana ay sheegeen Madasha Wada-tashigu inay xalad tahay in dadka rayidka ah loo adeegsado Ciidan iyo Rasaas,  ugu horeyn Shirkaas jaraa’iid waxa ka hadlay Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac waxaanu yidhi “Sida la sheegayo waxa aynu ognahay in Maanta (Shalay), Barlamaanka ka bilaamay Muran, kicitaan badan oo Dadka ah inuu Hargeysa, Berbera iyo Burco uu ka dhacay, waxa la sheegaya inuu dad ku dhintay, dadna ku dhaawacmay, waxa aanu tacsiyadaynaynaa dadka la sheegayo inay ku dhinteen Mudaharaadaas, oo Burco laga soo sheegayo,  kuwii ku dhaawacmayna waxa aanu ILLAAHAY uga baryaynaa inuu Caafimaad deg deg ah  siiyo’.

Madaxweynu ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo isna halkaas ka hadlay, ayaa Xukuumadda Somaliland uu baaqay inay ku dadaasho ilaalinta Nabadgeliyada, waxaanu sheegay inay iyadu masuul ka tahay Umadda, oo aan loo baahnayn inay ku xad gudubto,waxaanu  yidhi “Waxa aanu doonaynaa in aanu dadweynaha reer Somaliland gaadhsiino talo iyo waanadayda ah in Nabadgeliyadeena la ilaashano, waxaanu soo jeedinaynaa in Nabadgeliyada ilayn Xukuumaddu iyada ayaa ka masuul ah Umaddan oo ILLAAHAY ka sakaw, ay gacantooda ku jirtaa, inay Xukuumaddu ilaaliso dadka, inay Xukuumaddu xakamayso Ciidaman BIlayska ah oo imika uu maahe hore Xabadu ugu soo horeeysay”.

Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhego-weyne) oo isna ka mid ah Madasha Wada-tashiga Somaliland oo   halkaas ka hadlay ayaa  yidhi “Xaalada Maanta dalka ka taagani  muran badan iyo qas ayaad mooda inay gashay,oo Dawladdu galisay waxa dhacay oo xukumaan ah, looma sinee cid ayaa ka masuul ah, cidii ay Umaddu  u diratay Nabadgeliyada, dejinta iyo wanaaga ay doonto, ayaa waxa ay ku qiyaasaysaa Golaheedii shaqsiga ahaa, waxaasina waxa macquul ah oo la qaadan karo maaha, waxa Burco ka dhacaya iyo Maatida lagu toogtay iyo Mudaharaadkan ka dhacay waa gardaro, in Ciidankii Qaranka ee Cashuurtooda lagu masruufayey, ee iyaga u shaqaynaayey in Xabad ay la dhacaan, waa wax aan la qaadan karin”.

Dhinaca kale Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, oo ka hadlay Magalooyinka kala duwan ee Somaliland ayaa iyana sidoo kale si adag uga hadlay Xildhibaanadii, Shacabkii iyo Suxufiyiintii la xidhay, waxayna sidoo kale ka hadleen Mudaharaadkii sababay dhaawac iyo Dihamshada, oo ay khalad ku tilmaameen in Ciidamadu dadka u adeegsadaan Xabad nool.