Hargeysa (Geeska)- Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa ka war bixiyay sababaha keenay in dadka reer hargeysa aanay helin biyo ku filan.
Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis oo Wargeyska Geeska Afrika shalay ugu waramayey xafiiskiisa ayaa sheegay in faraq weyni u dhexeeyo dadka hargeysa ku nool wakhtigan iyo dadkii ku noolaa wakhtigii biyaha hargeysa la hirgeliyey waxaanu sheegay ina hargeysi ka mid noqotay mid ka mid ah caasimadaha afrika korodhka dadku ugu badan yahay isla markaana wuxuu sheegay in sannadka inagu soo fool leh dadka reer hargeysi heli doonaan biyo nadiifa oo ku filan waxaanu yidhi “Hargeysa caasimadda jamhuuriyadda Somaliland muddadii dhawr iyo labaatanka sano ahayd ee qarankani waxa ka jirtay dhibaato xagga biyaha ah sababtuna way iska caddahay markaa biyaha hargeysi ka cabto waxa la sameeyay toddobaatanaadkii, Siddeetamaadkii laba weji buu kala ahaa wajiga koowaad labiyo toddobaatankii buu ahaa wajiga labaadna lix iyo siddeetankii buu ahaa. Wakhtigaa dadweynaha magaalada ku nooli wuxuu ahaa dadweyne aad u kooban qiyaas rasmiya lagama hayo laakiin waxa lagu qiyaasaa ilaa boqol iyo siddeetan kun, boqol iyo kontan kun inta u dhaxeysa inay ahaayeen, maanta caasimadda hargeysi caasimadda jamhuuriyadda Soomaalilaan ayay noqotay dhamaan Soomaalilaan oo dhan gobolladeedii iyo degmooyinkeedii baa lagaga yimid qurba joogtii baa ku soo noqotay magaalooyinka afrika koritaankoodu kuwuu ugu badan yahay mid ka mid ah ayay noqotay markaa waxa is dabooli waayay habkii wakhtigaa biyaha loogu talo galay iyo iminka inta ay leeg yihiin, qiyaas ahaan imika waxa lagu qiyaasaa ilaa Milayan iyo laba boqol oo kun oo qof inay ku noolyihiin biyihii loogu talo galay boqol iyo siddeetan kun ilaa boqol iyo kontan kun ayaa la leeyahay haka cabaan milyan iyo laba boqol oo kun oo qof. Dhawr iyo labaatankii sano ee aynu qaranka ahaynba dhibaatadaasi way soo taagnayd ha u kala darraato waxay ku xidhan tahay marba kulaylkeeda iyo qabawgeeda markaa hargeysa dhibaato badan oo xagga biyaha ah ayaa ka jirtay dhawr iyo labaatankaa sano ee aynu dawladda ahaynba”.
Maareeye Ibraahim wuxuu sheegay inay xil iska saareen sidii dadka reer hargeysa u heli lahaayeen biyo jaban oo nadiifa isla markaana ay socdaan oo uu gebo-gebo ku dhaw yahay mashruucii biyo ballaadhinta hargeysi “Dadweynaha caasimadda ku nool ee muddada dhawr iyo labaatanka sano ah ama shan iyo labaatanka sano ah biyo la’aanta dhibaatada badani ka haysatay waxaan xil faro badan iska saaray sidii biyo loogu heli lahaa sidaynu la wada socono mashruuc weyn baa socda oo mashruuca caasimadda biyo ballaadhinta hargeysa la yidhaahdo oo ay iska kaashadeen labada qaadhaan bixiye ee ugu waaweyn ee sanduuqa horumarinta Soomaalilaan (SDF) oo ay ku midoobeen afar oo reer Yurub ah iyo midawga yurub markaa mashruucaasi waa laba mashruuc oo waaweyn baa jira midi waa mashruuca la yidhaahdo biyo soo saarka oo ay labadaa qaadhaan bixiye iska kaashadeen oo gebo-gebo ku dhaw oo shaqooyinkiisii badankiisii dhamaadeen iyo mashruuca la yidhaahdo biyo qaybinta oo Bangiga Jarmalku lacagtiisa bixiyey oo isaguna hawshiisa imika la bilaabayo, markaa dadweynaha waxaan u sheegi lahaa in rajadu boqol kiiba boqol maanta fiican tahay in biyihii gebo-gebadooda uun aynu sugayno hawshaasi badideedii boqolkiiba siddeetan iyo shan ay dhamaatay biyaha mashruuca biyo soo saarku. Mashruuca labaad ee biyo qaybintana imika hawshiisii gacanta ku hayno oo imika hawshiisii la xayaysiinayo iyo qandaraasyadiisii isaguna inshallaa uu inoo bilaabmi doono markaa waxaan leeyahay ilaahay ha inagu guuleeyo laakiin mashruucaa dadkaa biyo la’aantu muddada dheer soo haysay imika waxaynu ku dhawnahay rajadii ahayd in qof walba oo hargeysi ku nooli biyo jaban oo nadiifa oo uu isku hallayn karo uu helo dhawaan inshallaa”
Maareeye Ibraahim Yoonis ayaa sheegay in mashruuca biyo ballaadhinta hargeysa aanu wax dib u dhac ahi ku iman intii uu socday waxaanu xusay in mashruuca ku talo galkiisu yahay sannadka laba kun iyo toddobiyo toban madixiisa in uu dhamaado hargeysina hesho biyo ku filan “Mashruucu wakhti buu leeyahay qorshuu leeyahay qorshahaasna haba yaraatee dib u dhac ilaa imika ku yimid ma hayno oo aanu dhinaahno waxaasaa dib u dhacay ma jirto. Mashruucu waa mashruuc aad u adag oo aad u weyn waa mashruucyada aduunka ugu waaweyn mid ka mid ah xagga biyaha marka la yidhaahdo bariga afrika mashruucyada ka socda dhinaca biyaha kuwa ugu waaweyn buu ku jiraa ilaahay waxaan ka rajaynayaa in alle nagu guuleeyo, laakiin anaga wuxuu qorshahayagu yahay mashruuca ku talo galkiisu yahay sannadka laba kun iyo toddobiyo toban madixiisa in hargeysi mashruucaa biyo soo saarku uu inoo dhamaado hargeysana biyaheedii wax badani iska baddeli doonaan inshallaa ilaahay aanu ka baryeyno in uu nagu geeleeyo”.
Diyaariye: Maxamed Muuse Cismaan