Maansada Qaylo-dhaan iyo Abwaan Laab-saalax

0
857

Maansadan magaceeda waxa la yidhaahdaa Qaylo-Dhaan, waana maanso si xeel dheer uga hadlaysa xaaladda abaareed ee dalka ka jirta iyo sida ay tahay in la isu gurmado. Maansadan waxa tiriyay Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-saalax), waxaanu yidhi

1

Dorraad ruuxii

Dhulka doog iyo

Duunyo fooftiyo

Ku ogaa dalag

Dadku beertaan

Wakhti doorshaa

Taa ka daba yimi.

Kolkii dabar go'a

Geedka damalkaa

Dhuxul doonaha

Loogu daw galay

 Ee dadkaygoow

Dhulka danbi iyo

 Dulmi laga galay

Daruur curatiyo

Roob darrooriyo

Cirkii di'i jiray

Dhibic daayoo

Dabaylaa kacay.

Sidii Daba-dheer

Abaar daran oo

Kasii digo kulul

Kuwii duro dhacay

Wataa dubatee K

ol ay duunyiyo

Dadka nool tahay

Dalkii xaadhee.

Doc shisheeyiyo

 Inta dibadaha

 Isla dagganee

Ka dareen liyo

Dalka joogaha

Dugsi nabadiyo

Daaro dhaadheer

Ku dakeeyoow.

Qof damiir lihi

Kuma daawado

Oon dadkiisii

Badhkood dilayee

Miyaad dar Ilaah

Ugu damqataan

 Miyaad dar Ilaah

 U daryeeshaan

 Miyaad dar Ilaah

Kol ay dayn tahay

Wuxuun u dirtaan.

 Miyuu degganaan

Dadku ladayaa

Haddii dagalkaba

Duunyo fooftiyo

Xoolo daaqiyo

Maal ka dabar go'o

Caano darayiyo

Miyaa dufan iyo

Dubaax iyo jiidh

 Dollar lagu heli

Fakhri dabadii

Dab miyuu bixi

 Saw dam maahoo

Gabal uma dumin

Deegaankeennii

Khayraad dihin iyo

 Durdurka lahaa.

Marka roob doon

Dadku oogaan

 Ey si daacada

U ducaystaan

Quluub daahira

 Daayin ma qadshee

Adaa duulyohow

Xaqa dadayoo

Uurka dabayoo

Khayrka diidoo

 Dalaal raacee

Dib isugu noqo

Deeqdu ma fogee

Adaa dalab lehe

Dawga saxan raac.

Diin gurguurtiyo

Haadda duushiyo

 Inta deridiyo

 Duudda joogtiyo

 Duurgaleenkiyo

Bada doobida

 Inta dacal dacal

Dhex dawaaftiyo

Dooxo godan iyo

Didib iyo

Buur Inta daaqdee

 Darba caynyahay

Nafle dul ahaan

Dalqo waxa gala

Adaa daayiman

Ugu deeqoon

Mar ka daynine.

 Cirkan daahmee

Daruur hoortiyo

Doogsintii gabay

Adaa deeqloow

Markaad doontaba

 Soo da' siiyee

Midaan danab iyo

Wuxuu dumiyiyo

 Daad dax qaadiyo

Duufaan iyo dhagax

Dabaylo lahayn Caano da,aya Ah

Diihaal reebtiyo

 Doogsan bixisiyo

Omos damiyiyo

Dhul daweeyiyo

Raxmad daahira

Daruurihii guga

Adaa deeqloow

Dadka u hayoon

Kaaga dalabnnee

 Degdegu noo sii.