Hargeysa (Geeska)-Hotel casriya oo lagu magacaabo Maamus Hotel, oo uu dhismihiisa bilaabay ALLE ha u naxariiste Suldaan Maxamed Xasan, ayaa hadda laga furay Magaalada Hargeysa.
Munaasibadii furitaanka Maamus Hotel oo si weyn loo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha, Culimo awdiin, Madax-dhaqameed, Masuuliyiin ka tirsan Axsaabta, marti sharaf iyo dad aad u tiro badan, waxaanay ka dhacday xarunta Maamus Hotel oo ku taala Degmada Gacan Libaax ama Barriga Magaalada Hargeysa.
Cabdirashiid Maxamed Xasan, oo ka mid ah Inamada uu dhalay ALLE ha u naxariiste Suldaan Maxamed Xasan,oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey Hotelka, waxaanu sheegay in Hotelka Maamus yahay Hotel si casriya loo dhisay, isla markaana wuxuu sheegay in hotelkan laga helayo adeeg walba oo laga helo hoteelada caalamka, waxa kale oo uu xusay inuu leeyahay Super Market-kii, dhanka kale wuxuu ILLAAHAY uga baryey inuu aabihii jannadii ka waraabiyo, isaga oo tilmaamay inuu isagu hotelkan bilaabay, balse tii ALLE ka soo gaadhay, isla markaana uu Masaajidkii uu nasiib u yeeshay inuu furo.
Dhinaca kale Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiiray, Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen Nuur iyo Madax-dhaqameed kale oo iyana munaasibadaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay aqoontii ay u lahaayeen Suldaan Maxamed Xasan, waxayna sheegeen inuu ahaa qof saalix ah, oo dhinaca dhaqanka iyo dhinaca siyaasaddaba door lixaad leh ka soo qaaday, waxayna tilmaameen inuu mar walba ka shaqeeyn jiray maslaxada iyo isku soo dhaweynta dadka, waxayna sheegeen inay aqoon dheeraad ah u lahaayeen, waxayna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin Hotelkan cusub ee la furay, ee uu isagu aasaasay, waxayna Ubadkiisi ugu baaqeen inay raacaan dhabihii aabood.
Sheekh Maxamed Aadan oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa u duceeyey Maamus Hotel, waxaanu ugu duceeyey inuu noqdo Hotel khayr qaba, waxaanu ka xog waramay aqoontii uu lahaa Marxuum Suldaan Maxamed Xasan, oo wuu sheegay inuu ahaa qof aad u wanaagsan, oo aad uga qayb qaata samafalka, waxaanu si gaar ah u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Masaajidka ku yaala Hotelka uu hor bilaabo, isla markaana uu nasiib u yeesho inuu isaga oo nool la furo Masaajidka.
Khadar Ambassador ayaa isna dhankiisa aad u soo dhaweeyey Maamus Hotel, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu Hotelkani ku soo biiro Hotelaada dalka ka jira, waxaanu xusay in wixii uu la qaban karo uu la qaban doono.
Guddoomiye ku xigeenka Shirkada Telesom Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed), oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa hadalo dardaaran iyo dhiirigelina u soo jeediyey ubadkii uu ka tagaya Marxuum Maxamed Xasan, wuxuu sheegay inay muddo wada shaqeeynayeen, isla markaana ahaa qof aad u wanaagsan, waxaanu kula dardaaramay ubadkii uu ka baxay marxuumku inay isku duubnadan, oo tacabkii aabood ilalaiyaan.
Wasiirka Arrimaha Guddaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cismaan Saxardiid Caadani iyo Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo iyana munaasibadaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey Maamus Hotel, waxayna sheegeen inuu yahay Hotel casriya, oo ku soo biiray horumarka dalka, waxayna si gaar ah amaan balaadhan ugu soo jeediyeen Marxuum Suldaan Maxamed Xasan, oo ay sheegeen inuu ahaa qof aad u wanaagsan, oo saalix ah, isla markaana Diinta, Siyaasada iyo Dhaqankaba door libaax leh ka soo qaatay, waxayna ILLAAHAY uga baryeen inuu jannadii fardawsa ka waraabiyo, waxayna talooyin u soo jeediyeen ubadkii uu dhalay Marxuumku oo ay ugu baaqeen inay halkaas ka sii wadaan dadaalka.
Waxaana ugu dambayntii si rasmiya loo daah furay Maamus Hotel, isaga oo Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed wuu noqday qofkii ugu horeeyey ee la macaamila,.