Maamulaha dugsiga Turkish Nile Academy ee magaalada hargaysa Axmed Shahin, oo la hadlayay bahda warbaahinta.
Waxaa uu si cad u sheegay in dugsigoodu yahay mid aan dawladi lahayn sidoo kalena aan macaash doon ahayn isla markaana xarumo ku leh in ka badan 170 wadan oo caalamka ah oo somaliland ay ka mid tahay wadamadaasi isla markaana ay somaliland degenaayeen 4tii sano ee lasoo dhaafay oo ay ka fureen dugsi waxbarasho oo hadafkiisu yahay inuu barbaariyo soona saaro aqoon yahanno wax u tar bulshada somaliland.
Sidaas awgeed axmed shaahiin Maamulaha dugsiga Turkish Nile Academy waxaa uu meesha ka saaray hadalo xaqiiqda ka fog oo sheegay in dugsiga Turkish Nile Academy maamulkiisu ay ardayda muqdisho u diraan si halkaasi ay ugu galaan imtixanaadka lagu helo deeqo waxbarashada ee ay bixiso dawlada turkigu,
Maamulaha oo arrintaasi sharaxayaa waxaa uu yidhi waxaa jira imtixaan lagu magcaabo yos oo ay qaado dawladda turkigu laguna helo deeqo waxbasho oo ay ka fuliyaan 45 wadan oo caalamka wadan kastana caasimaddiisa lagu qaado imtixaankaasi
Sidaasi awgeed anagoo aqoonsan qadiyadda somaliland maamulka dugisga nile academy iyo wasaarada waxbarshada somaliland oo isku duubani waxay ka shaqaynayeen in imtixaankaasi la keeno magaalada hargaysa oo ardaydu ay ka faiidaystaan
Taasi waanu ka soo baxnay intii nagaga beegnayd inta kalena waxaanu u daynay in ay dhamaystiraan wasaarada waxbarashada iyo jaamacadda imtixaankaasi qaadaysay oo wadahadal ka yeeshay arrintaasi.
Balse ugu dambayn jaamacadasi ay diiday in ay hargaysa timaado sanadkani.
Sidaasi awgeed waxaan rabaa inaan u sheego shacabka iyo masuuliyinta somaliland in aanay wax jira ahayn in maamulka nile acadamy u sheegay ardaydiisa iyo waalidiintaba in muqdisho loo dirayo si ay arintaasi uga qayb galaan sababtoo ah waxaanu ixtiraamaynaa mabaadii’da ay ku dhisan tahay somaliland.
Waxaa kale oo uu sheegay Maamulka dugsigu inu maanta la kulmay wasiirka waxbarshada iyo ku xigeenkiisa uu warkani kasoo yeedhay oo arrintaasi ay u cadeeyeen isla markaana ay fahmeen arrintaaasi In aanay jirin isla markaana aanay ka suuroobi in sameyaan maamulka Turkish nile Academy.
Ugu dambayn maamule shaahiin waxa uu sheegay in dugsiga nile academy u tagan yahay inu kobciyo aqoonta ardayda reer somaliland ee dugsigasi wax kabarta una raadiyo deeqo waxbarsho oo dibada ah Iyagoo raacayo mabaadida wasaaradda waxbarsahda ee somaliland iyo guud aha xukuumadda somaliland