Maalinta Akhriska Iyo Qoraalka Adduunka Oo Si Weyn Looga Xusay Hargeysa

0
760

Picture3Hargaysa(Geeska)-Xuska Maalinta Akhriska iyo Qoraalka  oo ku beegnayd Shalay ayaa si weyn looga xusay  Somaliland gaar ahaan Magaalada Hargaysa, waxaana Xuska Sannadkan halku dhig looga dhigay  in Kor loo qaado wax akhriska iyo Qoraalka,ujeedaduna waxa ay ahayd in Dadka dib loo Xasuusiyo Aqoonta iyo Faa’ideeda iyo Halka akhrisku Caalamka marayo. Munaasibadii Xuskan oo lagu qabtay Guuleed Hotel   ayaa waxa soo qaban-qaabiyay Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare,waxaana Ka tageeray Hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin gaar ahaan  Haay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan waxbarashada UNESCO iyo Haay’addaha UNICEF Iyo CARITAS, waxaana ka qayb galay Munaasibada xuskan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland.  Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Somaliland Maxamed Xasan ibraahim oo ugu horeyn ka hadlay Munaasibadaas ayaa  yidhi.

”Maanta waa Maalin Caalami ah 1965kii ayaa la Xusaa sanad kastana Somaliland waa laga Xusaa, sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada Somaliland, waxbarashaduna waxa ay ku xidhan tahay wasaarada kasta,waxbarashada waxa la doonayaa in kor loo qaado si dhabada horumarka loo qaado loogana baxo dhabada jaahilka”. Wasiirka Qorshanta Qaranka Somaliland  Sacad Cali Shire oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay si ay aqoontu u kobacdo loogana baxo Jaahilnimad in la qaado Dhabada Aqoonta kor loogu qaadi Karo,isaga oo Haay’addaha Wasaaradda ka tageera Dhinac waxbarashada ku guubaabiyay in Ay Hormuud ka noqdaan arintaasi, waxaanu yidhi 

“Qofku inuu wax qori karo waxna akhriyi karo maaha himilo qaran oo kaliya,balse waa xaq qof waliba u leeyahay waana asaaska waxbarashada qof waliba uu leeyahay,wakhtigii hore dhaqaalahu waxa uu ku dhisnaa wax soo saarka xooga,balse maanta waxa uu u gudbay dhinac maskaxda,waxa xaqiiq ah laga soo bilaabo 1995kii ilaa maanta in Horumar wayn laga sameeyay wixii ka danbeeyay 2010kii aduunka,maanta kama Badna Rubuc Malyuun”. Dhinaca kale  Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaas ka hadlay  ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in Dadka wax labaro loona baxo dadka aan aqoonta Badan lahayn ee ku sugan miyiga iyaga oo laga saarayo Akhris iyo qoraa La’aanta Haysata. Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye,wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil ,Wasiir ku xigeenka Deegaanka oo iyana halkaas ka hadlay ayaa dhammaantood  waxa ay baaq u jeediyeen dadka Somaliland meel-walba oo ay joogaan inay is garab qabtaan, oo ugu yaraan wax is baraan.

Wasiirka Waxbarashada somaliland Faarax cilmi Geedoole oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa tilmaamay in Sannadkan loo baahan yahay in wasaaradda awooda saarto sida waxbarashada loo tayayn lahaa iyada oo laga soo bilaabayo qof yar iyo qof wayn loona dhiiri galin lahaa dadka waawayn ee aaminsan in ay waxbarashadii dhaafta, waxaanu yidhi  “Wax wasaaradda ka go’an in ay dhiiri galiso waxbarashada iyada oo aqoonta bulshada somaliland miyi iyo magaalo loo baahan yahay in kor loo qaado si looga baxo jahliga iyo aqoon la’aanta dhabadana loo saaro aqoonta iyo Iftiinka,sanadkan waxbarashada akhriska iyo qoraalka Xooga ayaanu saari Doonaa.