London: Shirkii Maalgashiga Somaliland Oo Shalay Qabsoomay

0
550

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay khudbad ka jeediyay shir dawladda Ingiriisku soo qaban qaabisay oo loogu tallo galay in lagu soo bandhigo khayraadka Somaliland ka jira iyo fursadaha ganacsi ee yaalla. Shirkaasi oo ahaa shir balaadhan waxa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda horumarinta afrika u qaabilsan Ingiriiska, shirkado caalamiya oo ka kala yimid dalal badan oo caalamka ku yaalla kuwaasi oo danaynaya inay maalgashi ku sameeyaan Somaliland. Shirkan waxa kale oo ka qeyb galay Wasiirrada Arrimaha dibadda, Qorshaynta, Ganacsiga, Madaxtooyadda, Afhayeenka Madaxtooyadda iyo masuuliyiinta Somaliland u fadhiya UK, iyo xubno badan oo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan London. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga waramay guud ahaan marxaladihii kala dambeeyay ee ay Somaliland soo martay rubuc-qarni ku dhowaadkii la soo dhaafay, waxaanu tafaasiil ka bixiyay khayraadka Somaliland iyo fursadaha ganacsi ee ka jira, isagoo xusay in xeerarka Somaliland ay fursad siinayaan maalgashadeyaasha caalamiga ah. Waxa iyaguna shirkaas ka hadlay wasiirka khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, Marwo Edna Aden Ismaaciil, Wasiirka qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire iyo masuuliyiin kale oo dhammaantood ka hadlay fursadaha maalgashi ee Somaliland. Shirka oo shalay furmay ayaa isla shalay si rasmi ah u xidhmay, waxaanu ahaa maalin keliya.