“Lama Odhanin Masaajiidda Hala Xidho Ee Dadweynaha Waxa Lagu Wargeliyay Inay Guryahooda Ku Tukadaan”

0
589

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa ka hadlay Go’aan ay soo saareen Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Covid_19 oo uu Xubin ka yahay, kaasi oo Culimada Dalka qaarkood siyaalo kala duwan uga hadleen.

Guddiga ka hor-tagga Covid_19 ee Somaliland aya 13-kii Bishan soo saaray Go’aamo iyo Awaamiir ay ka mid tahay in Dadku ay Guryahooda ku tukadaan, taasi oo culimada qaarkood u fahmeen in Guddigu albaabada u xidhayso Masaajiddada isla-markaana ka hor-yimaaddeen.

Laakiin, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo Shalay War-saxaafadeed soo saaray ayaa beeniyey in Guddiga uu ka midka yahay soo saareen Amar lagu xidhayo Masaajiddada, waxaanu culimada ugu baaqay in aanay Dadweynaha u gudbin Warar aan la hubin.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Wasiir Khaliil oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika ayaa u qornaa sidan:- “Iyadoo laga duulayo, Xaaladda Caafimaad iyo Faafidda Covid_19 iyo sida uu u saameeyay guud ahaan Caalamka, ayaa guddiga heer Qaran ee u diyaar-garowga iyo ha hor-tagga Covid_19 ayaa waxay soo saareen Go’aamo iyo Amarro khuseeya Arrintan.

Qodobbada Go’aammadaasi oo soo baxay 13-kii April, 2020 waxa ka mid ahaa Qodobka koowaad oo u dhignaa sidan “Guddigu martay deristay qodobka lixaad ee qoraalka talo soo jeedinta ee Culimada Somaliland soo saareen 4-tii April, 2020 kuna aaddanaa ka hor-tagga cudurka Covid_19 una dhigan sidan “In Shareecaddeena Suubban ay u bannaysay Ummadda in Jimcaha iyo Jamaacada laga maqnaan karo haddii la helo lana xaqiijiyo Daruuro adag, sida Xanuunnada faafa IWM’ iyo baaqyada Bahda Caafimaadka Somaliland ee u aaddan Xanuunka Covid_19 waxay Guddigu Bulshada Somaliland farayaan inay Masaajiddada ka maqnaadaan muddo 4 Toddobaad ah oo ka bilaabmaysa 15 April, 2020, ayna ku tukadaan Guryahooda, si loga baaqsado Xanuunka Covid_19, Mu’adiniinta Masaajiddadana waxa la farayaa inay aadaanka Salaadaha ku daraan ‘Guryihiina ku tukada (Salluu Fii Rixaalikum).

Go’aankaas ka dib, waxa soo baxay Warar iyo dareen kala duwan oo ku aaddan fahamka qodobkaa, waxa jira Culimo-u-diin ka dareen celiyey arrintaasi.

Haddaba, waxaanu rabnaa inaanu Dadweynaha reer Somaliland la wadaagno qodobbada soo socda.

In Go’aankaasi ahaa mid ka soo baxay Guddiga Heer Qaran ee ka hor-tagga Covid_19, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna ay Guddigaa xubin ka tahay.

In qodobka koowaad ee Guddigu soo saartay aan marnaba lagu xusin in Masaajiddada la xidho, laakiin Dadweynaha lagu war-geliyey inay Guryahooda ku tukadaan, si looga bedbaado Faafidda Cudurkaasi, Diinteena Suubana ay bannaysay siday culimadu ku taliyeen.

Waxay Wasaaraddu aamisan tahay sida dhakhtarradu caddeeyeen, inay halis Caafimaad tahay isu-imaanshiyaha Bulsho ee ay Masaajiddada isugu imanayaan. Maaddaama oo la caddeeyay in Xanuunkani ka hor-tag mooyaane aanu lahayn ka daba tag, si xawli ahna u faafayo, waxaynu ognahay siduu u dhibaateeyay una aafeeyay Xanuunkani Dalalkii Dadkoodu ka baaqsaday inay maqlaan talooyinkii Caafimaad ee la siiyey.

Waxa ay Wasaaraddu ugu baaqaysaa culimada in aanay ku deg-degin inay Bulshada la wadaagaan Warar aan la hubin.

Wasaaraddu waxay u Mahad-celinaysaa guud ahaan culimada dalka, sida ay mar kasta ula garab taagan yihiin wacyi-gelinta xanuunkan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here