Laba Wasaaradood Oo Isku Haystay Dhismaha Ay Banaysay Wasaaradda Diinta Iyo Awaaftu Iyo Dabaca Nidaamka Dawladnimo Ee Muuqda

0
601

Hargeysa(Geeska)-Labada wasaaradood ee xidhiidhka goleyaasha iyo dib u dejinta ayaa isku maandhaafsan wasaaradda galaysa dhismaha ay banaysay wasaaradda diinta iyo awqaafta oo hadda u wareegtay dhisme cusub.

Weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Telefishanka Star, ayaa warbixin ka diyaariyay khilaafkan labada wasaaradood. Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka hor intii aanu dalka ka dhoofin wuxuu warqad ogolaansho ah u qoray wasaaradda dib u dejinta Somaliland inay gasho dhismahaas ay wasaaradda diinta iyo awqaaftu banaysay. Hase yeeshee intii uu Madaxweyne Siilaanyo dibadda ku maqnaa, ayaa waxa isna warqad labaad oo ogolaansho ah u qoray wasaaradda xidhiidhka goleyaasha madaxweyne-xigeenka Md. Saylici, waxaana hadda xaruntii u soo wareegtay wasaaradda xidhiidhka goleyaasha oo agabkeedii u soo raratay.

Telefishanka ayaanay u suurtogelin inuu la kulmo  madaxda labadan wasaaradood. Laakiin wuxuu khilaafkan iyo labada warqadood ee ay kala qoreen madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenku muujinayaa dabac ku yimid nidaamkii dawladnimo.

Geesta kale, wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal ee uu Madaxweyne Siilaanyo u ogolaaday in wasaaradda uu masuulka ka yahay la wareegto dhismahaas ayaa ka soo jeeda beesha bariga Burco, halka uu wasiirka xidhiidhka goleyaashuna Cali Xaamud Jibriil ka soo jeedo gobalka Awdal. Telefishanka ayaa sheegay in xalinta khilaafkan lala sugayo Madaxweyne Siilaanyo, marka uu dalka dib ugu soo laabto.