Kulan Ku Saabsan Koruqaadista Codka Hay’adaha Waddaniga Ah Ee Qaabilsan Tacaddiyada Ka Dhanka Ah Jinsiga OO Qabsoomay

0
707

Hargeysa (Geeska): Kulan-hawleed lagaga hadlayay mashruuc cusub oo loo bixiyey dheeraynta codka hay'adaha waddaniga ah ee ka shaqeeya arrimaha jinsiga, ayaa Salaasaddii todobaadkan lagu qabtay Hargeysa, iyadoo ujeeddada codka dheeraynta lagu macneeyey mid bulshada lagu gaadhsiiynayo cod xaqaa'iq ku fadhiya.

535266_1019350101473074_2664342004782001675_n

Kulankaas ayaa waxa ka soo qayb galay hay'ado iyo dallado ka kooban 12 loo doortay inay mashruucan ka shaqeeyaan iyo madaxda hay'adda Progressio oo iyadu mashuuracan masuul ka ahina ay madasha ku sugnaayeen.

Agaasimaha hay'adda waddaniga ah ee WORDA Kinsi Xuseen Qawdan oo iyagu hay'ad ahaan mashruucan isku xidhkiisa ka shaqaynaya una dhexeeya hay'adda Progressio iyo hay'adaha waddaniga ah,  ayaa ka warbixisay sida uu mashruucu u shaqayn doonom, waxaana ay tidhi: “Mashruucan waxa ka shaqayn doona 12 hay'adood oo qaarna dallado yihiin kuwa kalena ay hay'ado waddani ah yihiin. Laba sannadood ayaa awdooddooda la kobcin doonaa. Meelaha laga kobcin doonana waxa ka mid ah sidii loo heli lahaa loona soo uruurin lahaa xog dhab ah oo dadka laga soo uruuriyey oo ku salaysan tacaddiyada jinsiga ah. Markaa waxay noqon doonaan dad loo kobcinayey sidii ay u samayn lahaayeen cilmi-baadhis la lafa-guray, isla markaana cilmibaadhistaa ay sameeyeen iyo warbixinaha ay ka qoraan inay soo bandhigaan oo ay keenaan si loo baahiyo. Si dadka loogu sheego wixii la soo ogaaday, si dadkuna u ogaadaan waxa jira.”

Waxa kale oo ay Kinsi sheegtay in hay'adaas laga soo xuli doono 24 qof oo loo tababari doono sida loo sameeyo cilmibaadhista, iyadoo tababarkaa ay siin doonaan khubarao aqoon dheer u leh cilmibaadhsita. Waxaana dadka la bababarayaa ay baadhi doonaan heerka dhabta ah ee tacaddiga jinsigu ka marayo Somaliland. “Dhinac waa ka xog uruurin dhinacna waa ka aqoondhisid loo samanayo dadkeena ka shaqeeya hay'adaha waddaniga ah. Si loo helo aqoonta cilmibaadhista iyo dad waddankeena u dhashay oo aad iyo aad ugu xeeldheer cilmibaadhista.” Ayay tidhi Kinsi Xuseen Qadhan.
Mashuuracan ayay Kinsi sheegtay in laga fulin doono gobollada Maroodijeex iyo Togdheer oo illaa tuulooyinka la gaadhi doono. Waa tan Kinsi Xuseen oo mar kale sharxaysa khabiir labaad oo mashruuca ka shaqayn doona: “Waxa jira khabiir labaad  oo ku takhasusay sidee baa loo lafa-guraa oo dib loogu eegaa shuruucda iyo siyaasadaha inoo yaalla (hay'adaha waddaniga ah). Halkee bay ka khaldan yihiin? Halkee bay wax ka dhiman yihiin in lagu kordhiyaa? Meelahee bay dhaafeen? Meelahee bay ku fiican yihiin oo u baahan in la sii kobciyo?.” Ayay tidhi Kinsi Xuseen Qawdhan.

Waxa kale oo ay Kinsi hoosta ka calaamadisay in ujeeddada cilmibaadhista loo samaynayo ay qayb ka tahay in si dhab ah loo ogaado meelaha ay tacaddiyadu ku badan yihiin si loogu gudbiyo cidda wax ka qabanaysa ee ay khusayso, isla markaana in lala wadaago hay'adaha dawladda ee ku shaqada ku leh si sharci looga sameeyo. Waxa kale oo ay sheegtay in xogtaa la helay lala wadaagi doono culimada iyo madhaxdhaqameedka dalka si looga wada tashado sida wax looga qaban karo dhibta tacaddi ee jirta.

Tacaddiyada cilmibaadhista lagu raadin doono ayay Kinsi ku macnaysay inay ka mid noqon doonaan  dhibaatada kufsiga, muhiimad siin la'aanta hablaha ee xagga waxbarashada iyo shaqada iyo kuwa jinsiga ah. “Marka ay jinsiga noqoto mararka qaar ayay dumarku ku  tacaddiyi karaan ragga oo marka arrintaa la baadhayo wax kale oo gaar ah ayaa soo bixi kara, oo dumarkuba tacaddi ay gaystaan ayaa la heli karaa.  Markaa labada dhinac ee tacaddigu ka iman karo waa la eegayaa.” Ayay tidhi agaasimaha hay'adda WORDA Kinsi Xuseen Qawdhan.Hay'adaha ka shaqayn doona mashruuca ayay sheegtay Kinsi in lagu soo doortay: “Waxa aanu ku soo dooranay inay yihiin hay'ado xafiisyo leh oo sannad kasta iswaandgeliya oo arrimahanna ka shaqeeya. Inay yihiin hay'ado qorshe guud, aragti iyo itijaah ba leh ayaanu ku soo dooranay. Waa hay'addo waddani ah.” Ayay tidhi Kinsi oo intaa raacisay: “Mashruucani wuxuu socon doonaa 24 bilood (2sano), waxana la rabaa in dadka aqoontooda la dhiso. Hay'ad kasta oo ka mid ah 12kaa hay'adood  mid kasta 2 qof ayaa laga keeni doonaa. Labadaa qof ayaa la rabaa inay noqdaan laba qof oo u dhabar adayga inay muddadaa wax bartaan iyagoo haddana dadka u shaqaynaya oo shaqada wada.  Waxaana sababta mashruucan keentay ay tahay masuulka hay'adda Progressio ee Somaliland (Sucaad) oo ah gadh muddo dheer ku soo dhex jirtay ururada waddaniga ah isla markaana og sababaha ay arrimahani u liiceen, ayaa xog uruurin iyo la tashiyo badan oo ay samaysay waxay ku guulaysatay in mashruuc loo helo in ururada laga tababaro dhinacyadaas. Waxaana qofka ha dhow la siin doonaa shahaado uu ku qaadanayo cilmibaadhsita iyo mid uu ku qaadan doono lafagurista siyaasadda iyo u doodista wixii qaldan.”

Ugu danbayntii Kinsi Xuseen Qawdhan waxay sheegtay in si saddex-bilood le ah bulshada warbaahinta loogu soo bandhigi doono xogaha cilmidhaasta lagu ogaanayo ee la xidhiidha tacaddiyada ka dhanka ah jinsiga, ka dib na in la soo saari doono warbixin guud oo cilmibaadhista laga samayn doono oo la isugu yeedhi doono hay'adaha dawladda iyo kuwa waddaniga ah si xogtaa la soo helay la isula eego wixii ka dhiman iyo wixii dheeraad ku ah ba.