“Komishanka Waxaan Kula Talinayaa Arrinka Dedejiya, Yaynaan Sida Koonfurta Noqonee”

0
514

Picture3Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Xaaji Cabdikariim  Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe)  oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, isla markaana ah Xildhibaanka ugu da’da weyn Golaha ayaa ka hadlay sida uu arko go’aanka ay muddo kordinta Xukuumadda ugu kordhiyeen iyo heshiiskii Saddexda Xisbi ee loo gudbiyey Maxkamada, waxaanu sheegay inay ku haboon tahay in Maxkamada loo gudbiyo, balse uu filayo in Maxkamaddu qaadato go’aankoodii, waxaanu sheegay in go’aankoodu uu ahaa sax, waafaqsan yahayna Dastuurka iyo Sharciga Somaliland.  Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdiwaraabe),oo qaar ka mid ah Warbaahinta u waramay ayaa  sidoo kale Golaha Guurtida ee uu ka tirsan yahay ka difaacay eedaha loo soo jeediyo ee ah inay iyagu iskoodu muddo kordhinta u sameeyeen, “Maxkamadda way ku haboon tahay in loo gudbiyo, hawshaas aad I su’aashay, haddii aanu nahay Guurtidana waanu waafaqsan ahay, Komishanku inuu raajiyo maaha, hadalku suuqa yaanu ku dhex lulmin, Komishankana waxa aan kula talinayaa arinka da dejiya, sida Koonfureed yeynaan noqon, Sannad iyo Lix bilood iyaga ayaa noo keenay, Saddexda Xisbi, Afar bilood ayaanu ku darnay, Afar bilood wax idinkana la idinku warbahaariyo dadka buuq iyo hadal lagu galiyo maaha” Xildhibaan Xaaji Cabdikariim mar uu ka hadlaayey halka ay kordhsimadu ka soo bilaamatay ayaa yidhi “Korodhsiimaha Madaxweynaha iyo Komishanka iyo Saddexda Xisbi baa soo bilaabay, anagu afartaas bilood ayaanu ku darnay, macnaha qalinkayaga anaga ayaa xaq u leh, iyaan talo soo jeedin bay leeyihiin, qalinkayagu inuu ka muuqdo ayaanu ku qornay, waana la inala yaabi, maxa dib inoo celinayaa, ayaan dib loo noqon, oo wax aan wax ahayn yeynaan isku seegin”.

Xildhibaan Xaaji Cabdikariim ayaa mar wax laga weydiiyey go’aanka ay gaadheen iyo bal waxa ay yeeli doonaan haddii ay Maxkamaddu wax ka bedel ku sameeyso ayaa ku jawaabay “Maxkamadu sooba saari mayso ayey ila tahay waayo waa Sharci Dastuurka ayey ku taala, Sharciga ayey ku taala, go’aanka Guurtida ayaa leh, Guurtidana meesha laga saari maayo, Dawladduna Guurtida ayey ku fadhidaa.  Uma dhamin, Nin qudha baan ahay oo ka jawaabi maayo, sidaas u jawaabi maayo, kolka ay wax soo saaraan, baanu ku qancaynaa ama aan ka hadli”. Xildhibaan Cabdikariim ayaa mar wax laga weydiiyey inay wax ka jiraan dhaliilaha inta badan loo soo jeediyey Golahooda ee ku saabsan muddo kordhinta iyo muranka siyaasadeed inay qeyb ka yihiin ayaa ku jawaabay  “khal-khalka aanu wadnaa waa maxay, go’aanka anaga ayaa leh, soo jeedinta iyo dib u dhigana Saddexda Xisbi iyo Komishanka baa lahaa iyo Madaxweynaha”.

Xaaji Cabdikariim ayaa mar wax laga weydiiyey sida uu arko Saraakiisha ay Askartu disho ee mudooyinkii ugu dambeeyey dalka ku soo kordhayey iyo waxa uu ka qabo ayaa  yidhi “Xukuumadda waxa aan leeyahay ninkii nin dila Askari ha noqdo, Shicib ha noqdo, ayaan laga gudbine ha loo dilo, sida aynu ku dhismayo ayaa sidaas ah, waxa ay ila tahay ninkii nin dila in loo dilaa”.