Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Muqdisho

0
604

qaraxUgu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay tira aan la garaneyna way ku dhaawacantay qarax gaadhi loo adeegsaday meel ku dhow Makhaayad ku taala degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya. Guddoomiyaha Degamada Xamar Weyne Abdulkhadir Maxamed Abdulkadir ayaa u sheegay VOAda in in qaraxa uu ka dhashay gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay banaanka makhaayada  oo ku dhow dhismaha Golaha Murtida iyo Madadaalada. Shalay gelinkii hore, ayaa sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Qaranka  iyo qof kale ay ku dhinteen, ka dib markii uu ku qarxay bam gadhigiisa loogu rakibay.