Sheekadii way dheeraatay oo waxa ku soo biiray afarleydii Cabdicasiis Samaale oo isna hawada soo mariyay intan hoos ku qoran
Labadiinan murankiyo gabayga isu mariyee
mataanaha ilma biixoow
miyaad moogantiin talow
inaan ahay nin musharaxa
miyaa moogantiin tallow
mid Maraykan jiray
iyo mid mujaahid sheegtaba
inaanan ka maagayn
miyaad moogantiin tallow
Inaan ahay Mufti Sheekhoo
Marna macalin soomaray
iyo mudane baarlaman
maaliyadana hayn jiray
miyaa moogantiin
tallow meel kastaba
hagaadhee marna
Inaanan liicayn
Miyaad moogantiin tallow
inay madashii dhabaqdoo
mid kalena mudh soo yidhi
meeshiiba yool tahay.